tvsle.com
Monday, 9 January 2012
Madaxweyne Silaanyo Iyo Madaxtooyada Oo Tacsi U Diray Marxuum Waqaf
Hargeysa (TVSLE)- Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa
Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga
Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida
Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE
(WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala
Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu
Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee
Xisbiga UCID.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka
inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii,
Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga
Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka
siiyo.

Tacsida Madaxtooyada:

1. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane, Xirsi Cali
Xaaji Xasan

2. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyada
Somaliland Mudane, Xasan Cabdi Madar

3. Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada
Somaliland Mudane: Cabdilaahi Maxamed Daahir
(Cukuse)

4. Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada
Maxamuud Cabdilaahi Xarbi

5. Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada Mudane
Abshir Xasan Xaashi

6. Agaasimaha Munaasibaadka Madaxtooyada
Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi)

7. Agaasimaha Xisaabaadka Madaxtooyada
Maxamed Xirsi Xasan (Digaale) iyo Dhamaan La-
taliyeyaasha Madaxweynaha JSL, & sidoo kale Dhamaan
Shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyadu waxay Tacsi u
dirayaan Maareeyaha Sama-falka Madaxtooyada JSL,
Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye oo ay ka
tacsiyadaynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid
Eedadeed Marxuuma Quraysha Rooble Maxamed

Dhamaan Bahda Wasaaradda Madaxtooyadu waxay illaahay
uga baryahan Marxuumada in uu janno fardawsa ka
waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka
baxdayna Samir iyo iimaanka siiyo.
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
published on Monday, 9 January 2012
Headlines


Muuqal Tv Warbixin Basasinta Qoxntiga Somalida Shrciga Yurub Ka Joojiy



Xildhibaan Amir Aden Oo Markale u tagan Dorashada Barlamka Sweden



Muuqal TV Hees Ka Hadleysa Muuhimda wadada Ceerabo



Muqaal Tv Kulankii Kadhacy Magalada Svsj Ee Gobolka Smland Sweden



Muqal tv Kulan Madaxweynha S-Land Iyo Jaliyada S-Land Ee France 2014



Wareysi SLNTV Jen 2014 Ing Maxamed Ismail Iyo Ing Maxamed Abokor



Barnaamujka MILCSI Bulshada Sweden Qabanqabda Jidka Cergabo



Wareysi SLNTV Alma Dhibtaada Ay Maraan Hawenka Tahriibaa.



Wareysi SLNTV Shekh Khadar Ahmed C/lahi Dhibatada Tahriibta



Wareysi SLNTV 26-8-2013 Ing Abdi Abdilahi Shirka S-Land Iyo Somaliya



Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube