tvsle.com
Wednesday, 11 April 2012
Shariif Muxuu Ka Yidhi Wada-hadalka S/land Iyo Soomaaliya Dhex-maraya
Muqdisho (TVSLE)– Madaxwaynaha dawlada ku meel-
gaadhka ah ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa sheegay inuu magacaabayo guddida xukuumaddiisa
uga qayb-galaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya
dhex mari doona.
Sheekh Shariif waxa kale oo uu sheegay in wada hadalo
Somaliland iyo Soomaliya dhex mara 21 sanadood ka dib
ay guul u yihiin Soomaliya, isaga oo xusay in wada
hadaladaasi noqon doonaan kuwo meesha ka saara
madmadowga ka dhex jira Somaliland iyo Soomaliya,
taasi oo uu tilmaamay inay suurto-galinayso in dib
loo midoobo.
Sheekh Shariif oo gabi ahaanba meesha ka saaray
magaca Somaliland si guudna u adeegsanaya magaca
Soomaliya waxa uu yidhi “In 21-sano ka dib lagu
guuleysto in dadka Soomaaliyeed wadahadlaan anigu
waxaan aamisanahay inay tahay guul u soo hoyatay
Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna meel walba oo ay
joogaan dareen nabadeed ayay xambaarsan yihiin”
Madaxwayne Sheekh Shariif uu tilmaamay inay ka go’an
tahay inay xaliyaan tabashada shacabka reer
Somaliland tirsanayaan isaga sheegay in dadka reer
Koonfureedka ah iyo kuwo reer Somaliland dhexdooda
wax kala taban karaan “Khilaaf wuu dhaci karaa oo
Somaliland-na way taban karaan, waliba dadka
koonfurta Somaliya ku nool ayaa kala taban kara”ayuu
yidhi isaga oo gabogabada hadalkiisa sheegay in xalka
ugu dambeeya ee doonayaan yahay in Somaliland iyo
Soomaliya dib u midoobaan.
TVSLE
published on Wednesday, 11 April 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube