Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Digay In Xusaska Iyo Taariikhda SNM Loo Fas
Hargeysa (TVSLE)- Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale ( Boobe), ayaa ka digay in deegaamada dalka qaarkooda xususka iyo uruurinta taariikhada ururkii xoraynta dalka ee SNM in loogu fasirto kuwa lagu takoorayo mujtamac gaar ah.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo lagu xusayay hawlkii 11 Apr ee sannadkii 1983-kii ciimadamo uu hogaaminayay Col Ibraahim Ismaaciil Koodbuur, kagala baxeen Col Cabdilaahi Askar Barkhad xeradii ciidamada ee Bir- jeex, ayaa sheegay in taariikhda ururka SNM ay calaamad u tahay halgankii wadanka lagaga xoreeyay taliskii Gen Maxamed Siyaad Barre oo dagaal khasaare ballaadhan gaystay ku qaaday shacabkii noolaa gobolada Waqooyi(Somaliland).
Waxa uu wasiir Boobe sheegay in dawladii Maxamed Siyaad aanay mid magac qabiil lagu eedayn karo,balse ay ahayd talis macangag ah oo si aan kala sooc lahayn u laynaysay dadka rayidka ah.
“ Xususku maaha in ay dadka qaarkii dhibaan , 10 sannadood oo noloshayadii ahi maaha in ay dadka dhibto, Hargeysa oo duntay oo burburtay oo aroor laga dhaqaaqay, oo qofba wixii tunka ku qaadan karayay qaatay oo baaba’aday , oo la duqeeyay waa la xusuusanayaa , nidaamkii Maxamed Siyaasad Bare reer muu ahayn., waxa ay ahayd dawlad kaligeed talis ah, reeraha Soomaaliyeed oo dhan waa ay u shaqeeyeen oo u adeegeen, markaa marka aynu ka hadlayno xuska waxa aynu ka hadlaynaa xanuunkii iyo xadaafiirtii dadka soo gaadhay 1981-kii illaa 1991-kii” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland .
Xususka maalmaha gaarka ah ee loo asteeyay ururkii SNM, ayaan laga xusin deegaamo ka mida dalka, maadaama oo aanay beelaha jidahaas qayb ka ahayn dagaalkii ay jabhadu la gashay ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee taliska Maxamed Siyaasad Barre TVSLE