tvsle.com
Saturday, 14 April 2012
M. Somaliland Oo Khudbad Dhibacyo Badan Taabanaysay Ka Jeediyay Furita
Hargeysa (TVSLE)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta qudbad
dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka
shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE.
Waxana madaxweynuhu qudbadiisa ku bilaabay sidan:
“Shirgudoonka Baarlamaanka, mudanayaasha labada Gole,
Wasiirada, Hogaanka Kulmiye, Xubnaha Golaha Dhexe ee
Xisbiga, marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda.
Waxan idinku salaamaya salaanta islaamka“Assalaamu
calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu”.
Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa
dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, sidaas
oo kale waxaan salaan iyo mahad-naq gaar ah u dirayaa
xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, waxaanan
mar kale uga mahad celinaya taageeradii joogtada ee
ay codkooda, cudud-dooda, caqligooda iyo cuudkoodaba
iigu hibeeyeen xilligii tartankii doorashada iyo ka
dibba hogaaminta Qarankan, waxaanan idinka rajaynayaa
inaad halkaa ka sii waddaan dadaalka, isku duubnida
iyo illaalinta danta guud inta ay umaddani gaadhayso
himiladeeda xisbigeenuna uu ka noqonayo mid waara,
wiilka, wiilkiisa oo aan la loodin karin.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay xaqiijinta
himiladeena ummadeed, adkaynta nabadgelyada,
midnimada bulshada, horumarinta dalka iyo jiritaanka
Qarannimada Somaliland.
Xilligii ololaha doorashada, ballanteenu waxay ahayd
fulinta barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga marka
aynu talada ku guulaysano.
Al-xamdu-lilaahi, illaahay wuu inagu guuleeyey, wax-
qabadkii Xukuumada Kulmiye iyo halkii ay kasoo
bilawday waxaad ka helaysaan buuga wax-qabadka ee la
idiin qaybiyay, waxaana barbaryaala buugii
balanqaadyada Kulmiye oo aanu fulinay intiisii
badnayd mudo labo sano ka yar, iyadoo aanu Ballan-
qaadyadaa fulintooda u soo kala horreeysiinay sidii
ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd,
isla-markaana ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay.
1. Aqoonsi Raadinta Qarannimada Somaliland iyo
Siyaasada Arimaha Debeda:
Waxaanu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelinta
madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah sidii
ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli
lahayd aqoonsi buuxa.
Waxaa hubaal ah in aanu arintan kasoo hoynay guul aan
qarsoonayn, annagoo maanka ku hayna muhiimadda uu
mandaqadda u leeyahay xidhiidhka sokeeye ee waddamada
jaarku, bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay
Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo
dalka Itoobiya ee aynu saaxiibka nahay, halkaas oo si
weyn naloogu soo dhaweeyay.
Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadamada
carabta sida: Imaaraadka, Kuwayt, Masar, iyo wadamada
South Sudan iyo Shiinaha. Waxaanu kulan khaas ah oo
aan hore u dhicin la yeelanay (Security Council)
Gollaha Amaanka ee Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa
(The Highest body).
Waxaa marag-madoon ah in ay Somaliland qiimo wayn ugu
fadhido guushii aynu kasoo hoynay shirkii caalamiga
ahaa ee London oo ahaa dhacdo taariikhi ah, waxaanay
shirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo
Soomaalya ay wada hadlaan, waana madashii ugu
horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha
caalamku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda
Somaliland (as an entity).
Hadaba, Anigoo ku kalsoon in ay danteena iyo madax-
banaanideenu ku jiraan isla markaana dhinaceena
fulinaya go’aanka shirkaa London, waxaan magacaabay
Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo
diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah
sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay
dunidu inoogu baaqday. Waxaa ii qorshaysan in aan soo
saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa
istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu
midaysanyahay marka ay ku haboonaato, waxaynu ku
guulaysankaraa marxalad kastana kaga gudbi karaa
midnimo iyo isku-duubni.
2. Dhaqaalaha:
Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waana dhidibada
horumrka, anagoo ka duulayna ballantii xisbiga iyo
masuuliyada naga saran umadii xilka noo igmatay,
waxaanu dardar gelinay kobcintii dhaqaalaha iyadoo
sanadkii 2010 ee aan xilka la wareegay miisaaniyada
qaranku ahayd $44,000,000 US Dollar, ayaanu sanadkii
2011 gaadhsiinay $86,000,000 US Dollar, iyadoo aanu
sanankana odorosnay inay gaadho miisaaniyadu
$110,000,000 US Dollar.
Waxaanu gobolada bariga ka bedalay lacagtii
giimbaarta ahayd ee laga isticmaalijiray, taasoo wax
weyn ku kordhisay dhaqaalaha dalka.
Waxaynu ku guulaysanay in aynu kasbano kalsoonida
wadamada horuumaray taasoo keentay in ay dawladaha
Ingiriiska iyo Denmark billaabaan sidii ay Somaliland
ugu samayn lahaayeen mucaawino khaas ah.
Bulsho kasta waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay lasoo
baxdo, anagoo dhiirigelinayna wax soo saarka, waxaanu
dardargelinay dalaga iyo beeraha waxaana suura-gashay
in markii ugu horaysay Bariis beereheena kasoo go’ay
lagu cuno carigeena. Ganacsatada iyo Shacbigaba waxan
ugu baaqayaa in ay xooga saaraan dhiiri-gelinta,
tacabka lagu gaadhi karo in aynu dhulka wax-kala soo
baxno.
3. Horumarinta Dimuquraadiyada:
Anagoo ka duulayna ballanqaadkii Kulmiye ee ahaa
kobcinta geedi-socodka dumuquraadiyada iyo in la
ballaadhiyo saaxada siyaasada si loo helo tartan
caafimaad-qaba iyo loollan ku dhisan saaxiibtinimo,
waxaanu suuro-gelinay, Furashada ururada siyaasadeed
iyo abuuridda gudida diiwaangalinta iyo ansixinta
axsaabta. Haddaba raga tartanka u xusul-duuban oo ay
qaarkood ururo badani kasoo burbureen oo guuldaro
badan soo joogay, waxaan leeyahay si sharafleh u
tartama, qaranimada illaaliya, kubada laada oo idinku
ha is-laadina, saaxaddaa siyaasadda iyo saaxiibadiin
ayaa tartan idinka dhexeeyaaye, eedayn aan jirin iyo
afxumo cod laguma keenee, carrabkiina naxliga ka
dhawra, waxaana inoo ballan ah doorosho xora oo
xalaal ah.
4. Arimaha Bulshada:
Ballanqaadku waxa uu ahaa in bulshada loo horseedo
wax-barasho billaash ah si ay danyartu u hesho fursad
la mid ah waxbarashada ay helaan kuwa ladani, waana
lagu guulaysatay, wixii dhamaystir u baahana gacantaa
lagu hayaa, waxaanan rajaynayaa in Somaliland ay ka
hana-qaadidoonto aqoontu.
Waxaanu tallaabooyin wax ku ool ah iyo wax la taaban
karo ka qabanay dhinacyada kala duwan ee caafimaadka,
iyadoo aanu dedaal gelinay fayo-qabka guud ee
bulshada, cidhib-tirka cudurada faafa, horumarinta
cusbataalada gobollada iyo degmooyinka iyo kor u
qaadida adeegyada caafimaadka,
Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn
oo caalami ah.
Si dhallinyarada loo dhiirigeliyo loogana badbaadiyo
dhaqammada lidka ku ah horumarka bulshada, waxaanu
ansixinay Siyaasada dhalinyarada Heer Qaran, waxaanu
suuragelinay in ay ka qayb-galaan doorashooyinka
Dawladaha Hoose 25 jir iyo wixii kaweyn. Waxaanu
qabanay ciyaarihii gobollada taasoo loo soo agaasimay
si heer qaran ah kuna dhamaatay guul.
Anigoo fulinaya balan-qaadkii xisbiga, tixgelinna
siinaya xuquuqda dadka laga tirada badanyahay, waxaan
gudi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku
sameeyaan kana soo talo bixiyaan Beelaha laga tirada
badan-yahay oo dhibaato ku qabo Doorashooyinka, wixii
talo layla gartayna waxaanu u gudbinay Golayaasha
Baarlamaanka, sidoo kale waxaanu shaqaalaynay 27
xubnood oo kasoo jeeda beelahaa, iyadoo dhawr iyo
soddon arday oo ka soo jeeda beelahaa ay xukuumadu ka
bixisay kharashka waxbarashada heer jaamacadeed.
5. Cadaalada iyo Garsoorka:
Sidii ku xusnayd barnaamijkii xisbiga, xal u helida
garsoorka iyo sugidda caddaalada, waxaanu qabanay
kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana
daraasad lagu sameeyay xaaladda caddaalada iyo
garsoorka dalka, kulankaas oo ay u dhammaayeen,
Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada,
Xeer-ilaalinta, Culimada, madaxdhaqamedka iyo guud
ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka
tari karaan. Anagoo ka shidaal qaadanayna wixii kasoo
baxay cilmi-baadhistaa, waxaanu wax wayn ka qabanay
nidaamkii garsoorka ee dalka.
6. Amaanka Qaranka:
Waxaanu ahmiyad siinnay ciidamada kala duwan ee
Amaanka, Ciidanka Qaranka, Booliiska iyo Asluubta si
loo adkeeyo nabad-gelyada, difaaca Qaranka, xoojinta
nab-doonaanta Bulshada iyo ka hortaga wixii Qaranka
diintiisa, dhaqankiisa, dadkiisa iyo Dawlad-nimadiisa
waxyeelo u keeni kara, anagoo arrintaa maanka ku
haynana waxaanu laban-laabnay mushaharka ciidamada
iyo dhaqaalaha kale ee loo baahan-yahay.
7. Warbaahinta:
Waxaanu tayaynay guud ahaan warfaafinta iyo
wacyigelinta, iyadoo TV-ga Qaranku uu gaadhay daafaha
dunida. Dhawaana waxa imanaysa oo Hawada gelidoonta
Idaacad weyn oo uu Qaranku leeyahay taas oo Dalka oo
dhan gaadhi doonta ama laga dhegaysan-doono.
8. Haweenka:
Dawlada Kulmiye waxay dumarka siisay ahmiyad, iyadoo
qayb fiican laga siiyay golaha xukuumada, Komishinada
guud ahaana lagu qiyaaso inta xukuumadaydu shaqo
siisay 19.5%, waxaanan aaminsanahay inay tahay
horumar aad u weyn.
Waxaanu samaynay Taallada Xassuuta Halgankii SNM iyo
Xarunta Kaydinta Taariikhdii Xoraynta dalka, sidoo
kale waxaanu abuurnay Xafiiska Isku-xidhka Qurba-
jooga oo ay shaqadiisu tahay inuu isku xidho umadeen
qurbaha daadsan, si loo mideeyo cududooda. Waxaanu ka
shaqaysiinay Hay’ada Illaalinta Tayada (Quality
Control Commission) oo muhiimad badan u leh Qaranka.
9. Sama-falka iyo Mucaawinooyinka:
Waxaan maqlaa dad saxaafada u soo mariya oo xukuumada
u soo jeediya dhaleecayn ku saabsan mucaawinooyinka,
waxaa hubaal ah in dawladani ay la timi dedaal ay ku
kasbatay in mucaawinooyin laxaad lihi wadankan
yimaadaan, qaar badan oo aan laba arki jirin, oo dad
gaara gacmahooda ku dhicijirayna la habeeyay,
qaybinta iyo hadal-hayntuba waa intii Xukuumada
Kulmiye jirtaye miyaynu hore u aragnay qoysas iyo
xaafado raashin iyo cunooyin kale loo qaybinayo.
10. Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa:
Si loo helo Qaran fayaw, loona illaaliyo hantida
qaranka, waxaanu ka shaqaysiinay hay’ada distooriga
ah ee Hanti-dhawrka Qaranka, waxaanu abuurnay Hay’ada
Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa,
waxaana la baadhay Dawladaha Hoose ee Hargeysa,
Burco, Bebera, Gebilay iyo Boorame, waxaa Hanti-
dhawrku baadhay dhamaan wasaaradaha iyo gaar ahaan
wasiirada oo ah halkii xukuumada ugu saraysay, waxaan
loo xidhay eedo musumaasuq masuuliyiin iyo shaqaale
badan taasina waxay marag ka tahay in dawladani tahay
dawladii maamul-wanaaga iyo la dagaalanka
musuqmaasuqa, miyay dhacday baadhitaan laxaadkaa leh
oo hortayo lagu sameeyay laamaha dawlada? miyay
dhacday cid weligeed loo xidhay musuq-maasuq? waxaan
leeyahay dadka eedaha iyo dhalliisha uun meelahaa la
taagan indhihiinu wanaaga ha arkaan dhegihiinana
samaha u fura.
Ugu danbayn; iyadoo ay xusuustayda ku dheertahay
dadkii kala duwanaa ee illaa gumaystihii, qarankan
usoo halgamayay, waxaan munaasibadan darteed halkan
ka xusayaa halyaydii, iyo madaalayaashii naftooda u
soo huray dhismaha iyo jiritaanka Qaranka Somaliland,
iyo sidoo kale halgamayaashii Xisbiga Kulmiye oo ay
ka mid ahaayeen ALLE ha u naxariistee Keyse, Cali
Maarshaal, Yusuf Tuke, Daa’uud Maxamed Geele,
waxaanan illaahay uga baryayaa isaga iyo geesiyada
kale ee aanan xusinba in uu naxariistii janno ka
waraabiyo, ubadkii, eheladii iyo bulshadii reer
Kulmiyena waan ka tacsiyaynayaa.”
TVSLE
published on Saturday, 14 April 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube