Ina C/qaadir Oo Shirkii Kulmiye dabada Looga Tuurey Si waxshanimo ah.
Kulmiye oo hogaan cusub doortay iyo buuq iyo sawaxan shirka ka dhex oogsadey PDF Print Inta Ina C/qaadir garba duub loo qabtay ayaa shirka dibada looga tuurey
(TVSLE)-Shirweynahii golaha dhexe ee kulmiya ayaa buuq iyo sawaxan weyni ka dhex istaadhmey markii Gudoomiye xigeenkii koowad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ciidamadii ilaalinaayey shirweynaha Kulmiye iyagoo gardaduub u wada debeda uga tuureen shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ka dib markii gudoomiyaha golaha dhexee oo daadihinaayey shirka islamarkaana ku hadlaayay afka hogaanka xisbigu ku eedeeyay inuu dhawaan dhaliilay siyaasada madaxweyne Siilaanyo iyo xukumadiisa isagoo xil xisbi huwan taas darteedna ay ka qaadeen xilkii gudoomiyenimo xisbiga, wuxuuna amray gudoomiyaha golaha dhexe in hoolka shirka Cabdiraxmaan Cabdiqaadir debeda looga tuuro taas oo sababtey in qaar ka mid ah ergada ficilkaas ka cadhoodeen kana dareereen madashii shirka.
Hogaanka xisbiga Kulmiye ayaa laba bilood ka hor ku hanjabay kana sheegay warbaahinta inay xilka gudoomiyenimo ka qaadayaan cabdiraxmaan cabdiqaadir marka shirweynaha xisbigu qabsoomo maadaabuu xukumada siilaanyo dh aliil musuqmaasuq u soo jeediyey tiina maantey ka dhabeeyeen.
Xubnaha loo doortay shirgudoonka xisbiga ayaa kala ah
sidoo kale waxaa xoghayaha guud ee xisbiga loo doortay Xasan Saciid Yuusuf oo xilkaas hayey tan iyo intii uu geeriyoodey xoghayihii hore Kayse Xasan Cige.
Isku soo wada duuboo xubnaha maanta la door tay ayaan gebi ahaanba indhaha bulshada iyo xisbiga midna ku cusbayn inkastoo maxamed kaahin iyo Maxamed Yusuf Waabeeye xilalka loo doortay ku cusub yihiin.