tvsle.com
Monday, 16 April 2012
“Waa in aan ka jawaabaa waa in laga jawaabaa” Farriin Adag oo Cabdirax
“Waa in aan ka jawaabaa…waa in laga jawaabaa” Farriin Adag oo Cabdiraxman Cabdilqaadir uu Dadkiisa U Diray.

Xisbiga kulmiye waxa uu keenay in halgamayaashiisii KULMIYE ee guusha u keenay mid ka mid ahi uu ku dhex qarxo. Waxana maanta meel walba lagaga sheekaysanayaa wajiyada ay yeelan karto fadiixaddii shalay ka dhex dhacday shirkii KULMIYE.

Faallada wargeyska maantuna dhammaantii waxa uu eegayaa sababta qaraxan Cabdiraxman Cabdilqaadir iyo saamaynta ay ku yeelan doonto xisbiga iyo Qabaa’ilka.

Cabdiraxman Cabdilqaadir

Cabdiraxman Cabdilqaadir waa muwaadin reer Somaliland ah, waxana uu ka soo jeedaa beesha Muuse Carro ee ku abtirsata Habar Yoonis, isla markaana degta Burco Galbeed.

Cabdiraxman waxa uu ku barbaaray waxna ku bartay Hargeysa, kaddibna waxa uu waxbarasho sare ku soo qaatay dalka Ingiriiska. Waana aqoon yahan si fiican waxbarashadiisa u dhammaystay.

Mr Cabdirqaadir, waxa uu ka dhashay qoys aad u ballaadhan, waxana uu la dhashay rag maanta magac iyo maamuus ku leh dunida.

Xiisaha siyaasadeed ee Mr Cabdilqaadir madax maray ayaan maanta uun bilaaban, waxana uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii wakhtiga badan iyo dhaqaalahaba ku bixiyey xarakadii SNM, maalintii lagaga dhawaaqayey Londonna waxa la fadhiyey gurigiisa.

Cabdiraxman ma yaqaan qabyaaladda, in bandanna waxa lagula taliyey in uu ka fiirsado ragga uu siyaasadda kula walaaloobayo. Aad ayaasu uga madax adaygay. Oo muu noqon nin lagu hoggaamiyo siyaasad beeleed. Waxana uu mar walba ahaa Somalilander uu fikirkiisu hoggaamiyo

XIsbigan KULMIYE ee uu hoggaankiisa sare ku jirayna waxa sal u ahaa qabiillo gaar u taageera, isaguna waxa uu ahaa kuwa ragga qabiilka ku shaqeeyaa u adeegsadaan qabiilkiisa. Balse taasi waa uu iska indho saabay, reerka uu ka soo jeedo ee Muuse Carro amma Habar Yoonisna waxa uu ka doortay xisbigan oo qabiilo kale ka soo jeeda.

Ta maanta ku dhacdayna waxa ay cashar lama illaawaan ah u noqonaysaa siyaasi kasta oo dantiisa gaar wata, oo aan garanayn amma indhaha iska qabanaya xaqiiqada iyo in uu dadkiisa ku tiirsanaado.

Somalilandna weli kama ay korin qabiil, waxana mar walba talada hayn doona qabiilka urursan ee talo mid ah leh. Sidaasi daraaddeed ayuu maanta Ahmed Siilaanyo u yahay halyeyga sida libaaxa u jajabsada cidda uu doono. Kamana helo nacaminta, miskiinnimada iyo wixii la mid ah. Waxase uu fahmi karaa ragannimada iyo in shakhsiga reeraha kale ahi aanu biidhi qaate ahayn. Taasina waxa ay keeni kartaa equation ka ama sinnaanta shacabka.

Xisbiga Kulmiye

Laba sano ka hor waxa uu xisbigani ku guulaystay in uu talada dalka qabto, waxana uu taageeradaa ku mutaystay, halganka dheer ee reerka uu xisbigu ka soo jeedaa la soo maray. Waxana isku bahaystay laba beelood oo aan xad lahayn….iigama baahna in aan sheego.

Xulafada xisbigu daacad iskuma aha, waxana mar walba ka dhex jira siyaasado qarsoon, oo aan muuqan. Waxana kuu caddaynaysa, sida mar walba dib loogu dhigo arrimaha muhiimka ah. Tusaale ahaan shirkan u dambeyey, waxa dib loo dhigay musharraxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Taasi waxa ay markaa keeni doontaa isku dhac ka dhex yimaadda xulafada xisbiga ee reerka ku dhisan. Waxana aan qarsoonayn in reerka Madaxweynahu ka soo jeedaa uu yahay main stream – ka xisbiga amma xuddunta uu xisbigu ka dhaqaaqo. Beeshaasi oo xisbiga dhisi karta duminna karta.

Marka halkaa laga dhaqaaqo ayaa dad badani faalleeyaan in beesha xisbiga u badani ay qorshayaal badan is garab wadaan, qorshayaasha farta lagu fiiqana waxa ka mid ah ururradan faraha badan oo la doonayo in dadka lagu sii kala fur furo. Si beesha urursani ay u noqoto ta mar walba guulaysata.

Sidaasi daraaddeed ayaa Guddoomiye Muuse Biixi aanu maanta rajo badan u yeelanayn, maaddaama tartanka beeshiisa ka dhex jirtaa ay aad u badan tahay. Tafaraaruq badanina uu dhex dooda yaallo. Oo tusaale ahaan ay beeshiisu maanta leedahay illaa iyo shan urur siyaasadeed. Halka xibiga KULMIYE –na la dhinac wado Ina Kaahin oo loo filayo in uu noqdo shakhsiga baddali doona Ahmed Siilaanyo. Waa haddii uu xisbiga KULMIYE sii jiro.

Waxase mid shaki laga muujiyo ah su’aal Muuse Biixi laga weydiiyey Cabdiraxman Cabdilqaadir oo ku saabsanayd sida ay ula muuqato habdhaqanka loola dhaqmay mas’ulkaasi markii uu shirka ka dhex kacay.

Jawaabta Muuse ayaan bilowgii caddayn, waxana ay u egeyd in Muuse laftiisa laga hagayey daaha dabadiisa. Hase yeeshee, mar labaadkii ayuu is daba dhigay in Madaxweynaha haddii ay 2 meelood saddex ka codeeyaan baarlamanka xukunka laga tuuri karo oo Impeachment lagu samayn karo….iyo isaga laftiisa laga tuuri karo guddoomiye nimada….oo aan iyadu su’aashaba ku jirin.

Muuse Bixi waxa laga ilaaliyey in uu dawladda Ahmed Siilaanyo wasiirradeeda ka mid noqdo. Waxana lagu reebay guddoomiyaha xisbiga oo aan shaqo ahaan dawladda waxba ku lahayn. Laakiin waa uu oggolaaday, isaga oo qaba rajo mustaqbal oo aanu garanayn in uu gaadhi doono.

Cabdiraxaman Cabdilqaadirna waxa uu mar dhexdii ah saxaafadda uu siiyey farriimo ka soo horjeeda dawladda Ahmed Siilaanyo…iyo damaciisa siyaasadeed oo ahaa in uu Wasiir noqdo. Hadalkiisaasina waxa uu muujiyey in uu quus ka taagan yahay dawladda Ahmed Siilaanyo, waxana uu farriintaa ku sheegay in uu siyaasadda ka fadhiisan doono, oo uu noqon doono nin waxbarashada sida Jaamacadaha ka ag dhow.

Balse muu noqon, ee waxa uu ku sii adkaystay in uu siyaasadda ku sii jiro. Sidaasi daraaddeed ayaanu u qaadan waayey eedeyntii madasha shirka laga akhriyey ee uu Muuse Biixi ku soo oogay….Muuse-na uma ay egeyn in uu Mr Cabdilqaadir isagu ku soo oogo fadeexad ee waxa ay ahayd in uu cid kale madaxa u saaro.

Habka beelaysiga Somaliland ee soo noolaaday.

Qabyaaladdu maaha mid ceeb ah, ee qabiilaysiga ayaa ah mid xaaraan ah, waxana xilligan Somaliland ka abuurantay beelaysi iyo qabyaalad caddaan ah. Oo Somaliland dib ugu celisay wakhtiyo hore. Marka aad sababta raadisana waxa qof kastaa kuu sheegayaa in ay sababtay xukuumadda cusubi.

Waxana sida la sheegay ay xukuumaddu ku dhaqantaa qaybi oo xukun….taasi oo mararka qaar loo adeegsado dhaqaale la siiyo oday dhaqameedyada….dadkiina waa iska dan yar, oo marka odaygii wax ka biyo diido…. ee uu hadlo ayaa maalinta dambe faraha loo laabayaa, kaddibna sheekadii halkii ayey ku dhammaanaysaa.

Dhaqanka noocan ahina waxa uu dalka iyo dadkaba ku hoggaaminayaa in reeraha qaar libaaxyo noqdaan kuwa kalena ay daayeerro dhaameelka loo daadiyo noqdaan.

Haddaba, aan ku soo noqonno arrintan Cabdiraxman Cabdilqaadir-e, waxa la is weydiinayaa waxa beeshiisa uga talo ah. Mise waxa loo arkaa in uu isagu daleedda is dhigay.

Dadka Ingiriiska amma Maraykanka waxa lagu yaqaannaa in ay muwaaddinkooda la dhibaateeyo iyo ka qaldanba u hiilliyaan.Waxana ay gaadheen in haddii shakhsi Ingiriis ahi qalad ka galo dal kale aan dhayal lagu xidhi Karin. Haddii sida ina Cabdilqaadir loo galena iskaba daa. Markaa tolow oday dhaqameedka Burco ka hadlay…hadalkiisu run ma noqon doonaa mise….waxa uu heli doonaa dhaameel…oo halkaasi ayaa lagu illaabi doonaa…
published on Monday, 16 April 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube