tvsle.com
Monday, 23 April 2012
Shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resource oo Booqday Oodweyne'oo sahamin
Hargeysa (TVSLE)- Wefti balaadhan oo ka socda
shirkadaha petrosoma iyo jacka resources ayaa
maalintii shalay booqasho taarikhi ah ku tegay dhulka
uu ku yaal Block 26 oo ah goob dhowaan laga bilaabi
doono hawlo shidaal baadhis ah.

Weftigan oo u hogaaminayay Gudoomiyaha Shirkada
Petrosoma garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali Gurey isla
markaana ay wehelinayeen Justin Wood oo metalayay
shirkada Austaralyanka ah ee Jacka Resources oo isagu
dalka u yimi si indhihiisa ugu soo arko goobihii hore
looga qaaday sahanka.
Waxa kale oo isaguna weftiga la socday Kith Gubbin
iyo oo isaguna ka mid ah khubarada ka qayb qaadan
doonta hawsha sahanka ee dhowaan la bilaabi doono.

Weftiga oo ka tegay Magaalada Hargeysa waxa tuulada
Hara Sheekh ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Daad-
madheedh Md. Yuusuf Ibraahim Geedi(Yamaarug),waxa
kale oo weftiga soo dhoweyn diiran kala hor yimi
dhamaan dadweyniha ku dhaqan tuulooyinkii weftigu
marayay ka hor intii aanay soo gaadhin Degmada
Oodweyne,halkaas oo ay kula hadleen bulshada
Deegaanka.
<
Weftiga ayaa intii ay ku guda jireen safarka waxa ay
booqdeeen tuuloyinka Beerato,Ceeg iyo
Boodhlay,Goobahan oo dhamaantood ah meelihii sahanka
hore laga qaaday.

Garyaqaan Maxamed Yuusuf Calli oo warbaahinta u
waramayay ayaa sheegay in hada ay u yimaadeen
bilaabista wejigii hore ee hawsha dhabta ah la
qabanayay,taas oo ah in la samaynayo sahan laba nooc
ah, Magnetic Survey iyo Seismic Survey kuwaas oo ah
sahankii ugu danbeeyay ee goobtan laga qaadi doono
“Hortasafarkani waa safar taariikhi ah, waana
markiiuguhoreysay ee hawsha shidaal baadhista
Somaliland lasoogaadhsiiyoheerkan Magnetic iyo
Seismic Survey-ga.Waxaan u bushaaraynayaa dhamaan
dadwaynaha Somaliland. Waxaan samayndoonaa ilaa
5000km oo Magnetic Survey ah. Waxaanu tababar u
qabandoonaa shaqaalaha ka hawlgaya goobta.Hawshani
waxay socon doontaa muddo saddex bilood
dhan.Waanatalaabadii ugu danbaysay ee inaga xigtay
qodista shidaalka.”

Maxamed Yuusuf oo la weydiiyey rajada qorshaha dhow
ay ka qabaan in shidaalka la soo saaro waxa uu yidhi
“Hawshan hada aanu u nimi haddii aanu ka faraxalano
waxaanu ku rajo weynahay bilaabista qoditaanka,waxan
ku rajo weynahay in waqtiga ugu dhow aynu gaadhi
doono. waxa farxad weyn noo ah in khabiirkii nagala
socday shirkada jacka resources ku qancay waxa
indhihiisa ku soo arkay,shidaalkani waa mid ummada oo
dhami leedahay,waxana ka faa’idaysan doona muwaadin
kasta oo reer Somaliland ah oo dunida korkeeda ku
nool,waxay noqonaysaa shaqo abuuris aan hore loo
arag,waynu garan karaynaa qiimaha uu shidaalku u
leeyahay horuumarka wadanka.”
TVSLE
published on Monday, 23 April 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube