tvsle.com
Tuesday, 24 April 2012
Wasiirka Maaliyadda S/land Oo Soo Go'aan U Gudbiyey Xisaabiayaha Guud
Hargeysa(TVSLE)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa soo
saaray Digreeto uu ku Amrayo wasaaradaha iyo
Hay’adaha Dawladda inay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka u
gudbiyaan kharashaadka daruuriga ah ee ay ka mid
yihiin Mushaharooyinka iyo Gunada Hawl-wadeenada
Qaranka, Raashinka Ciidamadda, Jeelasha, Cisbitaalada
iyo Shiidaalkaba laga bilaabo 20-ka Bil kasta si uu
isna Baanka Dhexe ugu gudbiyo ugu danbayn Bil kasta
25-keeda.
Digreetada Wasiira Maaliyaddu oo ku socotay Dhamaan
Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dalku waxay u qornayd:-
“Ujeedo: Wakhtiga Bixinta Kharashaadka Daruuriga ah:-
Waxa jira kharashaad daruuri u ah hawl socodsiinta
Qaranka, kuwaas oo u baahan in waqtiga ugu horeeya ay
baxaan, kharashaadkaasna wax aka mid ah:-
Mushaharka iyo Gunadda Hawl wadeenada Qaranka.
Raashinka Ciidamadda, Jeelasha iyo Cisbitaalada.
Shiidaalka.
Sidaas awgeed, waxa madaxda Wasaaradaha iyo
Hay’addaha Dawladda ee ay warqadu ku socoto lagu
wargelinyaa in kharashyada kor ku qoran u soo
gudbiyaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud ugu dambayn 20-ka
bil walba, sidoo kale Xisaabiyaha Guud ee warqadani
ku socoto isna waxaa lagu wargelinyaa inuu
kharashyada kor ku xusan Baanka u gudbiyo ugu dambayn
25 ka bil kasta.”
TVSLE
published on Tuesday, 24 April 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube