Shir hawleedkan waxaa ka qayb qaadanaya sodon xubnood oo ka tirsan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaarada, Madax-qaybeedada,la taliyayaasha gaarka ah ee Wasiirka Warfaafinta, Gudoonka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, iyo Xubno ka kala socday Dallada Dhallinyarada ee (Sonyo) iyo Akaadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland, shirkaasi oo socon doona muddo sadex maalmood ah. Kulankan waxaa si gaar ah loogu eegi doonaa sida ay mas抲uliyiinta iyo hawl wadeenada kale ee wasaarada warfaafintu u ogaan lahaayeen halka ay xiligan taagan tahay Wasaaradu, Waxyaabaha u qabsoomay,waxa ka qabyada ah, dhibaatooyinka hortaagan iyo fursadaha ay haysto.
Agaasimaha guud waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan afar luqadood ay baahiso warbaahinta qaranku, hadana la wado mashruuc balaadhan oo lagu habaynayo laguna dayactirayo Studio-yaasha waaxyaha wasaarada.
Faysal Cali Sheekh waxa uu Xusay in wasaarad ahaan xidhidh ay la soo yeesheen wasaaradaha warfaafinta ee wadamada deriska inala ah sida jabuuti iyo Itoobiya, saxaafada madaxa banaan iyo hay抋daha shaqaalaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafintu waxaa kale oo uu sheegay inaan la dafiri Karin inay jiraan waxyaabo u baahan in si wada jir ah loogu hawl galo wax ka qabashadooda.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa hadal uu madashaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in mudnaanta ay leedahay wasaarada warfaafintu iyo hawlaha ay qaranka u hayso.
Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay sidii shaqaalaha wasaaradu ay si wadar ah hawsha qaranka uga soo dhalaali lahaayeen, waxaanu balan qaaday inay si wadar ah wasaaraddu u waajihi doono gudashada waajibaadkeeda.
Md. Boobe Yuusuf Ducaale waxa kale oo uu intaas ku daray inuu awooda saari doono daryeelka shaqaalaha iyo agabka wasaaradda ku hawl gasho, isagoo intaas ku daray inuu u hawl gali doono sidii tababaro kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha ka hawl gala wasaarada warfaafinta loo heli lahaa.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu cadeeyay in sababta shir hawleedkan la isugu yimid ay salka ku hayso sidii loo heli lahaa waajibaad cad oo lagu wada shaqeeyo isla markaana lagu wada xisaabtamo, si loo ogaado halka aynu higsanayno.
Shirkan maanta waxa waaxyaha wasaaradda fursad loo siiyay inay warbixin ka jeediyaan kuna sharaxaan sida ay tahay marxalada shaqo,qalab, aqooneed,tababar iyo baahiyaha lagama maarmaanka u ah waaxyahooda, halka qaybaha hadhayna ay beri ka jeedin doonaan. TVSLE