tvsle.com
Friday, 27 April 2012
Somaliya: 20 Sano Kadib Dagaal Sokeeye Oo Muuqda Iyo Burburka TFG Oo
Somaliya: 20 Sano Kadib Dagaal Sokeeye Oo Muuqda Iyo
Burburka TFG Oo Ay Bilaabeen Sheekh Shariif Iyo Gaas
Oo Isku Haysta Ansixinta Dastuurka.

Muqdisho (TVSLE) Apr 26,2012 – Madaxwaynaha dawlada
ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh
Axmed, ayaa ka hadlay dastuurka qabyo qoraalka ah ee
loo samaynayo Soomaliya, waxaanu sheegay inay ku
jiraan qodobo badan oo aan wanaagsanayn.

Dastuurkan Sheekh Shariif naqdiyey oo ah mid muddo
dheer qoraalkiisa la waday isla-markaana ay ku baxday
lacag badan, ayaa Sheekh Shariif sheegay inay ku
jiraan waxyaabo badan oo u baahan in dib loo eego
“Waxaan qabbaa in waxyaabo badan oo aan wanaagsanayn
ay ku jiraan dastuurka”ayuu yidhi waxaanu intaa ku
daray “Sida dad badan tilmaameen waxa ku jira
waxyaabo badan oo an haboonayn oo u baahan in dib loo
eego”.



Hadalkan Sheekh Shariif ayaa ka hor imanaya hadal ka
soo yeedhay Raysal-wasaare Cabd-weli Maxamed Cali
(Gaas), kaasi oo uu ku sheegay in aan loo baahnayn in
laga horyimaado dastuurka lana ansixiyo, waxaana
muuqanaysa in khilaaf siyaasadeed oo la xidhiidha
danaha ay masuuliyiintani leeyihiin uu ka dhex jiro.

Dhinaca kale, beesha Majeerteen ayaa maanta sheegay
inay kalsoonidii kala noqdeen Raysal-wasaare Cabdi-
wali Gaas, iyadda oo la sheegay inay hore uga soo
horjeedeen dastuurkan oo uu dabada ka wado Raysal-
wasaare Gaas, balse ay ka soo horjeedaan inta badan
beel-weynta Hawiye, kuwaasi oo wararka halkaasi ka
imanaya ay sheegayaan inay ishubeeyeen oo ay
doonayaan inay dagaal la galaan ciidamada dawlada ku
meel-gaadhka ah, iyagga oo ka soo horjeeda
masuuliyiinta dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya
oo la tilmaamay inay u arkaan mid aan wadin danta
shacabka Somaliyeed.

Sidoo kale, Yuusuf Indho Cadde oo hore uga mid ahaa
Islaamiyiinta Somaliya ka dagaalama ayaa isaguna
maanta ku dhawaaqay in beesha Habar-gidir oo ka mid
ah beelaha Hawiye dhisanayso Maamul goboleed, kaasi
oo lid ku ah xukuumadda Sheekh Shariif gadhwadeenka
ka yahay.

Sidoo kale, gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in loo
qaybiyo laba gobol oo kala duwan, iyadda oo ay
halkaasi hore uga jireen colaado muddo dheer soo
jiitamay.

Marka la isku soo xooriyo waxyaabaha ka dhacaya
Somaliya, waxa muuqanaysa in Somaliya mar labaad
waajahayso colaado sokeeye oo ka baaxad iyo khasaare
badan kuwo Al-shabaab ku hayso halkaasi, waxaanad
moodaa in Somaliya ay dul taagan tahay daruur
colaadeed.


published on Friday, 27 April 2012
Source: ramaas
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube