tvsle.com
Saturday, 5 May 2012
Xildhibaanad Ka Tirsan GolahaDeegaanka Sweden Oo Ka Warantay Goortii A
Hargeysa (TVSLE) – Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan
golaha deegaanka Jonkoping ee dalka Sweden oo
maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogtay magaalada
Hargeysa ayaa ka warantay arrimaha u suurta galiyey
inay ka qaybgasho siyaasada dalka Sweden iyo xiligii
ay Somaliland ka tagtay, taas oo tilmaantay in
Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ay door weyn ku
lahaayeen ka mid noqoshada golaha Deegaanka ee dalka
Sweden.
Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka soo baxday xisbiga
Social Democrat ayaa sheegtay in doorashadeeda ay si
weyn uga qayb qaateen Jaaliyadaha Soomaalida ee
dalkaasi ku dhaqan iyo dad kale oo u dhashay Sweden.
Ifraax ayaa sidaasi ku sheegtay Waraysi Khaas ah oo
dhinacyo taabanaya oo Wargeyska Haatuf uu shalay kula
yeeshay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
S: Ifraax Goorma ayaa halkan kuugu dambaysay?
J: Runtii anigu waxa aan halkan ka guuray markuu
sanadku ahaa 1994-kii, laakiin waxa aan ku soo noqday
2006-dii, waxaanan dib uga noqday bilawgii 2007-dii
oo aan ku noqday wadankii aan ka imid ee Sweden ahaa.
S: Markaa ma Adiga oo yar ayaad halkan ka qaxday?
J: Waan odhan karaa waan yaraa, laakiin hadana ma
odhan karo waan yaraa oo gacanta la iguma hayn,
dhabarkana la iguma sidin, laakiin kolay intan aad
ayaan uga yaraa.
S: Imika waxa aanu ognahay in aad xubin ka tahay
Golaha Deegaanka ee Jonkoping oo ku taala dalkaasi
Sweden, waxa aad nooga warantaa, sidii aad ugu
biirtay golaha, Sidii aad siyaasada u gashay iyo sida
ay kuugu suurtowday adiga oo gabadha ah?
J: Waxa aniga ii fududeeyey in aan ku biiro siyaasada
waxay ahayd, horta waxa aan ku biiray siyaasada 2005-
tii, markiiba waxa aan galay xisbi aan markaasi
xiisaynayey oo xisbiyadan ugu waaweyn ka mid ah
Sweden oo la yidhaahdo Social Democrat, markii aan u
biiray runtii xubin aad u firfircoon maan ka ahayn,
markii dambe ee aan bilaabay Iskuul aan doonayey in
aan waxbarashadaydii sii wato oo aan Jaamacad aan ku
galo, ayaa waxa aan bilaabay Iskuul, markaa
Iskuulkaasi waxa uu ka shaqayn jiray wax aad u tiro
badan, taasi runtii anigu waxa aan dooni jiray in aan
waxbarashadayda sii wato si aan Jaamacad u galo,
Iskuulkaasi markaa kalsooni badan ayuu isiiyey, wada
xaajood badan ayaanu wada yeelanay markaa waxa aan is
arkay in aan u baahanahay in aan sii wato
siyaasadayda oo aan noqdo xubin aad u firfircoon.
Maadaama oo aan xisbi ku biiray waxa aan noqday in
aan mar walba tago shirarkiisii oo aan tuso in aan
xiisaynayo oo aan doonayo in aan wuxuun ka barto,
kadibna waxa ay ii dhiibeen xillkii ugu horeeyey in
aan kormeero dugsiyada sare sanadku markuu ahaa 2008-
dii, markii ay ii dhiibeen dugsiyada sare in aan
kormeero, waxa aan ka mid noqday guddida dugsiyada
sare kormeerta, ayaa hadana waxa ay ii dhiibeen inaan
noqdo laba xaafadood oo xaafada aan deganahay iyo
xaafad kale in aan guddoomiye ka noqdo, taasi oo aan
xilkaa hayey ilaa 2010-kii, markaa bishii 9-aad ee
2010-kii waxa dhacday doorashadii ugu waynayd ee
Sweden, markii ay doorashadaasi dhacday xisbigaygii
waxa uu igu soo daray in aan ka mid noqdo qolada
deegaanka, markaa liistadii ayuu igu soo daray oo
waraaqdii ayuu igu soo qoray oo waxa uu yidhi Ifraax
waynu u baahanahay, markaa runtii codka marka hore
waxa kuu codaynaya xisbigaaga oo xaafad walba waxa
aanu ku leenahay urur xisbigayaga ah, markaa masalan
haddii Hargeysi ay ka kooban tahay ilaa iyo 15
xaafadood oo kala duduwan oo xaafad walba aad ku
leedihiin urur yar uruadaasi markaa way is wada
yaqaanaan, dadkaasi way is wada yaqaanaan xisbiga ka
tirsan.
Ururka markaa waxa la waydiinayaa imisa qof ayaynu u
dooranaa golaha deegaanka oo cod ayaa iyaga laftooda
laga qaadayaa oo markaa waxa ay odhanayaan oo kale
Ifraax ayaynu ku daraynaa ama Cabdi oo kale ayaynu ku
daraynaa qolada deegaanka.
Maadaama oo aan ka tirsanaa urur hore oo Haweenka la
yidhaahdo, ururkaasina uu I doortay xaafadayada ayaa
la iga doortay, ilaa shan xaafadood oo kalena runtii
waa la iga doortay oo markaa ururkayaga ka tirsan
kadib sidaasi ayaan liistadii ku soo galay maadaama
oo aan cod badan xisbiga dhexdiisii ka helay, markaa
markii aan liistadii ku soo biirayna aad ayaa la iigu
ololeeyey la iigu codeeyey, taageero badan ayay
isiisay jaaliyada Somalia ee ku taala Xaafada
Jonkoping oo runtii aan marwalba aad iyo aad ugu
mahad celiyo, jaaliyada Somalilandna iyada lafteedu
taageero badan ayay I siisay oo may yaraysan, aniga
oo runtii arkayey wax tarka ay iiqabteen Soomaalida
degan Jonkoping ay ka badnayd Somaliland-ta wax
qabadkeeda ay Somalida kale ka badnayd, hadana runtii
may yaraysan iyaga laftigoodu, taasi oo runtii dadka
aniga ii codaynayey ay ku jireen dad Soomaali ah, dad
Swedish ah iyo dad kale oo ajaanib ah, qof waliba
kolay si gaar ah ayuu iigu codaynayey.
Imika xisbigayga oo kale waxa uu iigu codaynayey
Gabadhan yar ee Madowee ee waliba Soomaaliyada ah ee
micnaha ina soo dhex gashay u fura micnihii dariiq
fiican.
Dadkan kalena runtii waxa ay iigu codaynayeen dad baa
iska arkaya magaca aabay oo kale oo Cali la yidhaahdo
waa gabadh Muslimad ah oo runtii wax tar fiican ayay
yeelan doontaa.
Somaliduna waxa ay aad iigu codaysay inanteenii
weeyaane waa inaynu haddii ay inoo muuqato wax tar
badan ayay inoo yeelan kartaa oo magac ayay inoo
leedahay, xataa hadaanay wax inoo qaban.
Markaa runtii dadkii oo dhan taageero badan ayaan ka
helay, taageeradii iyo kalsoonidiina wali waan ku
taaganahay sanadku markuu ahaa 2011-kii, waxa ay
noqotay in aanu bishii koowaad ku bilawno
hawshayadii.
published on Saturday, 5 May 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube