Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne Oo Shaaca Ka Qaaday In Ururka UDHIS Uu Re
Hargysa(TVSLE)- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka xukumada siilaanyo reebtay ee UDHIS Mujaahid Ibrahin Cabdilahi Xuseen Dhegayweyne ayaa shaaca ka qaadey in madaxweyne Siilaanyo masuul ka yahay reebista ururkooda oo siduu sheegay buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ee gudigu ku xidheen.
Sidoo kale ayuu mujaahid Dhegaweyne qaadacay qodobadii iyo warbixintii gudiga diiwaangelinta ururada iyo axsaabtu soo bandhigeen dhawaan kuna difaacayeen dhaliilo iyo eedo isdabajooga oo kaga imanaayey hogaamiyaayasha ururadii ay reebeen oo mujaahid dhegaweynana ka mid ahaa.Gudiga diiwaangelinta ururada ayaa soo bandhigay warbixin qeexaysa inaan ururka UDHIS buuxin shuruudihii laga rabay gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer taas bedelkeedana Dhegaweyne wuxuu sheegay inuu hayo daliil iyo cadaymo maqal iyo muqaal ah oo beeninaaya warbixintan ay soo malmaluuqeen gudiga diiwaangelintu iyo shuruudahan ay sheegeen inaan ururkoodu buuxin ee ay ku reebeen.
Ugu danbeyntii mujaahid Dhegaweyne wuxuu sheegay in qolada diiwaangelintu fariin kor looga soo yeedhiyey la gole yimaadeen iyagaan xataa shaandhogelin wuxuuna intaas raaciyey "Arintan waxa ka danbeeya madaxweyne Siilaanyo oo siduu sheegay danbarsan doona waxay u dhasho" wuxuuna hadlakiisii ku soo afmeeray haduu is leeyahay ciidan iyo xoog baad wax ku muquuninaysaa wuxuu ka heluu leeyahay,halkay la gasheynu eegi. TVSLE