Taliye Ku xigeenka ciidanka Ilaaladda Xeebaha oo booqday jasiiradaha
Saylac(TVSLE)- Taliye ku xigeenka Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Cabdi Xirsi Ducaale oo booqasho ku jooga Xeebta Galbeed ee Somaliland ayaa shalay soo kormeeray ciidanka ilaaladda xeebaha ee degan jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad.
Taliye ku-xigeenka iyo saraakiisha Taliska ciidanka ilaaladda Xeebaha gobolka Salal ee fadhigoodu yahay magaaladda Saylac ayaa kaxaystay labada Doonyood oo kuwa dheereeya ah ee ciidankaasi, waxaanay kormeerkooda ku tageen xarumaha ay Ciidanka ilaaladu ka degan yihiin labadaas jasiiradood oo isku jira qiyaas gaadhaysa ila 25km, iyagoo warbixino kaga dhagaystay.
Ciidanka labadaas jasiiradood degan ayaa Taliye ku- xigeenka u sheegay in mudooyinkii ugu danbeeyay ay xaaladoodu wanaagsantahay wax dhibaato ah oo ka jira Jasiiradahaasna aanay jirin oo ay hawlgalo ay sameeyeen ku hakiyeen dhibaatooyinkii ka dhici jiray haday tahay Tahriib iyo haddii ay tahay dhinaca amaankaba.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada xeebuhu waxa uu saraakiisha Ciidankaasi ku wareejiyay qalab isgaadhsiineed oo loogu talo galay inay ku wada xidhiidhaan ciidanku, isagoo xarunta Saylac dhigay Rakaal weyn isla markaana ciidamadda u qaybiyay raadyayaasha gacanta ee loo yaqaano Walk-talk si ay ugu soo gudbiyaan warbixinaha.
Talie-kuxigeenka ayaa markii uu kormeerka soo dhamaystayba dib ugu soo noqday taliska Saylac , halkaas oo la filayo inuu ka soo ambabixi doono.
Xeebta Galbeed ee Gobolka Salal iyo Awdal ayay dhibaatooyin kala duwani ka dhaceen sanadihii ugu danbeeyay iyagoo hoy u noqday Tahriib, Kootarabaan iyo Marino ay argagixisado ka soo degaan, hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa culays dhinaca la socodka dhaqdhaqaaqa ah saartay.