tvsle.com
Friday, 25 May 2012
Gacan-Ka-Hadal Dhexmaray Wasiirka KHarajiga Somalland iyo Safiirkii UK
Gacan-Ka-Hadal Dhexmaray Wasiirka KHaarajiga
Somaliland iyo Safiirkii Hore Ee Ingiriiska.

London,(TVSLE)-Warar uu Wargeyska Yool helay ayaa
sheegaya in khilaaf sababay gacan ka hadal uu
dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Md.
Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Safiirkii hore ee
Somaliland u fadhiyey Dalka Ingiriiska Md. Axmed
Sangoore, oo isagu ka mid ahaa Masuuliyiin dhawaan
Madaxweynuhu xilka qaadis ku sameeyey.

Siday Wargeyska Yool u sheegeen dad goob joog ahi,
Khilaafkan oo labada ku dhexmaray carriga Ingiriiska
ayaa dhashay ka dib markii Wasiirka Khaarajigu isku
dayey inuu xilka u kala wareejiyo Safiirkii hore iyo
Safiirka cusub Md. Cali Aadan Cawaale, balse waxa
taladu faraha ka baxday markii uu qir isa soo taagay
Md. Ahmed Sangoore oo ah Safiirkii xilka laga
wareejinayey, sidoo kalena uu ku dooday in xilka
qaadistiisu ahayd mid aan raad ku lahayn hab
maamuuska haykalka dawlad-nimo, balse ay ahayd mid
dabada ku haysay Sheeko maqaamkeedu hooseeyo oo ka
dhalatay is-faham-darro dhexmartay isaga iyo
qoyskiisa. Sidaa darteed-na aanu jirin waxba
wareejinayn.

Sidoo kale waxa mas抲ulkaasi ku andacooday in haba-
yaraatee aanu jirin qoraal ku saabsan xilka
qaadistiisa oo uu ka helay Madaxweynaha, inkastoo uu
carabka ku dhuftay inuu Idaacada Radio ka dhegaystay
war amuurtaa ku saabsan, hase-ahaatee, sida nidaamka
dawliga ahi uu dhigayo ahna Madaxweynuhu qoraal khaas
ah u diro masuulka uu xilka qaadista ku sameeyey
haba-yaraatee aanu ka war qabin xilka qaadis rasmi ah
oo lagu sameeyey.

Waxa kale oo wararku intaa ku dareen in markii Md.
Axmed Sangoore uu Wasiirka kala horyim diidmadaa
qayaxan uu Md. Maxamed Cabdillaahi arrintaa kaga
jawaab celiyey weedho Kakan, kuwaasoo noqday qaar soo
dedajiyey gacan-ka-hadalka labada masuul.

Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf noocan oo kale
ahi soo kala dhex galo xubno ka mid ah masuuliyiinta
sare ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, hase-yeeshee
inkastoo asbaabahoodu kala duwanaayeen waxa murrano
fool-ka-fool ah uu ka dhex qarxay Wasiiro,
Agaasimeyaal iyo Wasiiro iyo xataa Badhasaabo iyo
Maareeye-yaal madax ka ah qaar ka mid ah hay抋daha
Qaranka, kuwaasoo qaar ka mid ahi fagaare-yaal isku
faro saareen.

YOOL
published on Friday, 25 May 2012
Source: qarannews
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube