tvsle.com
Tuesday, 5 June 2012
Cali-Gurey Oo Naqdiyay Siyaasadda Dibadda Iyo Itijaaha ay ku socoto
Waraysi Gaar Ah: Cali-Gurey Oo Naqdiyay Siyaasadda
Dibadda Iyo Itijaaha ay ku socoto


Hargeysa(TVSLE)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali
Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa sheegay inaanay wax
faa抜ido ah oo dhinaca siyaasadda ah oo Somaliland
uga soo kordhay shirkii Turkiga ee ay dhawaan
wasiiradu ka qayb galeen.

Cali-Gurey, oo xalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska
Geeska Afrika, wuxuu tilmaamay inay siyaasadda
dibadda ee Somaliland u muuqato mid gabi
dhaclaynaysa, waxaanu ku taliyay in la sameeyo qorshe
siyaasadeed oo cad si indhaha caalamka loo kasbado,
waxaanu ka dayriyay suurtogalnimada midho ka soo baxa
wada hadalada Somaliland iyo Somaliya mar haddii
aanay jirin cid saddexaad oo dhexdhexaadinaysaa.
Waraysigaas oo uu Cali-Gurey sidoo kale kaga hadlay
xukunkii ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku riday
masuuliyiintii xukuumadda hore uga tirsanaa ee ku
eedaysnaa musuqmaasuqa, ayaa wuxuu u dhacay sidan:

Cali ugu horayntii maxaa faa抜ido ah ee aad odhan
kartaa wuu inooga soo xarooday shirkii aynu ka
qaybgalnay ee Turkiga?

Dhinaca siyaasada wax faa抜do ah oo Somaliland uga
soo xarooday ma jiraan ayaan qabaa anigu, arintan
mucaawinooyinka ee hore u jiri jirtay waa laga yaaba
inay intii hore ka bataan, laakiin arinta muhiimka
ahayd waxa ay ahayd dhinaca siyaasada.

Dhinaca siyaasadana shirkii London in la wada
hadlaabaa ka soo baxday wada hadalkiina waa kii
albaabkii ugu horeeyay ku fashilmay, waxbana kuma soo
kordhin qaabkii wada hadalka uu suurto gal ku noqon
karaana waa in la helo cid saddexaad oo wax isku jiid
jiidi karaysa, ileen labadii mawqif baynu kala
taaganahay ee iyaguna ay lahaayeen Somaliya waa
muqadas, inana gooni isku taaga Somaliland gorgortan
ma laha, markaas wada hadal toos ah oo dhex mari kara
labadii dhinac in aanu suurto galayn ayaan u
malaynayaa.

Bulshada caalamkuna ma qaybsana oo cid ku dacwiyaysa
Somaliland in goonideeda loo ictiraafo ma jirto, cid
leh shacbiga Somaliland afti halaga qaado oo leh
hadoortaan labada kay doonayaan ma jirto, waxii jiray
oo dhan waxa lagu xidhay wada hadalada Somaliland iyo
Somaliya, waxaanay ku sii riixayaan wada hadalkaasu
inuu noqdo mid midnimada Somaliya soo celiya.

Markay sidaas tahay waxa suurto gal ah in aanay taasu
dhicin wada hadal toos ahina imanin, ictiraaf mee
lkale oo dibad ah ka imanayaana aanu jirin, markaas
wax ka soo kordhay shirkaas oo dhinaca siyaasada haba
yaraatee majiro.

Wasiiradii shirkaas uga qayb galay Somaliland waxay
umadda u sii sheegeen inay sirkaas qaybtiisa hore ka
qayb galayaan oo arimaha dhaqaalaha lagaga hadlaayo,
qaybta danbe ee qaybaha Somaliya ku hirdamaaya loogu
ariminaayana aanay ka qayb galayn, haddana qaybtii
danbe waa ay ka qayb galeen, arintaas siday kuula
muuqataa?

Laba ayuunbay mid noqonaysaa, marka hore ee ay
lahaayeen qaybtaas dhaqaalaha ayuunbaanu ka qayb
galaynaa inay ogaayeen in aanay kuwa kalena diidi
karin, maadama oo ay dawlada ku marti qaaday ay
odhanyso soo fadhiista, haddii kalana waxay
noqonaysaa in markii ay halkaas tageen lagu qanciyay
uun ama ay marka horeba ogaayeen inay ka wada qayb
galayaan, laakiin inaga ay intaas uun inoo sheegeen.

Markaad eegto isbedalada dhacayay baryahan,
xukuumaddu shirkii London waxay kala timi inay ka
Turkigana ka qaybgalayso, way ka noqotay go抋ankaas,
haddana way ogaalaatay ka qaybgalkiisa, ugu
danbayntii waxay sheegtay inay ka qaybgalayso qaybta
dhaqaalaha oo maalinta hore ah, is badbadalkaasu
muxuu salka ku hayaa ama aad ku cabiri kartaa?

Waxa lagu cabiri karaa in aanay jirin barnaamij cad
oo xukuumad ahaan la dajiyay oo la bineeyay oo laga
fakaray, markaa haddaanu kaasu jirin waxay noqonaysaa
dareenka iyo wararka caalamku siday yahiin in la抣a
jaan qaado, maadama oo aanu jirin mawqif aynu ku
naginahay oo adag ee ay tahay uun wax iska gabi
dhacyoonaya.

Wakhtigii UDUB-na waxaad moodaysay in indhaha
caalamku ay ka sii jeedeen Somaliya oo aanay
danaynaynba, waana tii aynu ogayn kol ay Xabshi gasho
iyo mar ay maxkamaddo qabsadaanba iyo mar Al-shabaab
xukuntaba, waxaad moodaysay in aan indhaha bulshada
caalamku danba ka lahayn oo ay iska ilaabeen, laakiin
maanta waa ay ka duwan tahay oo laba arin ayaan is
leeyahaya waa ay sababeen inay indhaha caalamku ku
soo jeestaan in xal loo helo dhibaatooyinka Somaliya.

Midi waa rintan argagixisonimada keentay ee
GeeskaAfrikaba ku sii fidaysa taas oo ay arkeen inay
saldhig u noqon karto argagaxisada oo ay baqo wayn ka
qabeen dalalka jaarka ahi, qodabka kalana waxa weeye
dhaqaalahan Yurub ee dhacay iyo Saliidan cirka tagtay
iyo khilaafkan bariga dhaxe ka jira oo saamayn ku
yeelanaya shidaalkii dunada iyo dhaqaalahaba, taasina
waxay keentay in Afrika iyo meelo kale ahmiyada la
siiyo oo kaydka shidaalka, markaas taas ayaa iyaduna
waxay keenaysaa dhulka lagu tuhunsanyahay shidaalka
inuu yahay dhulka Somalidu dagto oo dhan ee Geeska
Afrika ah, waxaanay caalamku la soo jeesteen imika in
xal dagdag ah loo helo, laakiin wali inaguna
waxaynaan gaynin hindise ku saabsan sida aynu
doonayno in aynu inaga iyo Somaliya ku kala baxno.

Ugu danbayntii siduu kuula muuqdaa xukunkii ay
maxkamaddu ku riday masuuliyiintii ku eedaysnaa
musuqa, oo ay sheegeen qareenadii udoodayay inay
xukun mid siyaasadeed oo ay rafcaan ka qaadanayaan?

Waa aynu wada ogayn oo kiiskan maxkamaddu si
wanaagsan ayay u waday, sidaas wanaagsan ee uu u
socday iyo markhaatiyadii la dhagaystayba waxay
muujinaysay in aanay danbi lahayn dadkan xidh
xidhani, waxaynu filaynay in maxkamaddu ay u ogalaato
dadka dulman inay ku dhaqaaqdo sida kiiskaba ka
muuqatay inay danbi la抋an yahiin oo ay sii dayso,
laakiin go抋ankan waxaan qabaa inuu ahaa mid
siyaasadeed, oo aan ahayn mid maxkaamdda ka soo baxay
ee uu yahay mid maamul, imikana anbiil baa ay ka
qaateen oo wali may soo xidhmin cadaaladii,
muhiimaduna waa in cadaalada la sugaa.



published on Tuesday, 5 June 2012
Source: Geeska Afrika
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube