Tagi Maayo Hargeysa Intuu Siilaanyo Madaxweyne Yahay Waxaanay Ka Mid Ahayd Heshiiskii Garadag Siilaanyo Ummaddana U Gar Qaadi Kari Maayo” Saleeban Gaal
London (TVSLE)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan (Gaal) oo muddadii labada sannadood ku dhawayd ee Madaxweyne Siilaanyo tallada dalka hayey dalka dibadiisa kaga maqna isla markaana wararka ku dhaw dhawi ay ilaa mudadaasi sheegayeen inuu Guddoomiyahu xanuun u jiifo London
Saleeban Maxamuud Aadan ayaa wararka aanu hellayna sheegayaan inuu caafimaad qabo isla markaana uu isagoo nabdoon si cafimaad qabta u joogo gurigiisa oo ku yaalla badhtamaha beri ee magaalada London, waxaana uu dhawaan Kulan kula yeeshay gurigiisa Odayaal reer Somaliland ah oo booqasho ugu tagay.
Sida xubnahaasi qaar ka mid ahi ay sheegeen Saleeban Maxamuud Aadan ayaa sheegay in sababta keentay inuu dalka muddadaasi labada sannadood ku dhaw uga maqanyahay ay tahay inuu diidayo inay iska hor yimaaddaan Madaxweyne Siilaanyo isagoo sheegay in xidhiidhkooda oo aan markii hore fiicnayn lagu dhamaystiray xallintiisa kulankii beesha ay ka soo jeedan ku yeelatay magaalada Garadag sannadkii 2008-dii.
Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu odayaashaasi u sheegay in wararka dhiiladda iyo murugadda xanbaarsan ee laga soo werinayo Xukuumadda Siilaanyo ay qurbaha ku soo gaadhaan isla markaana uu door biday maadama xeer beeleed uu isaga iyo Axmed Siilaanyo dhex yaallo inuu intuu ka fogaan karo ka fogaado, isagoo Guddoomiye Saleeban Maxamuud Aadan sheegay inaanu dalka dib ugu soo laaban doonin ilaa intuu xilka hayo Axmed Siilaanyo.
Dhawaan ayey ahayd markii shirkii London ay ergooyin ka yimid Somaliland isku dayeen inay booqdaan Saleeban Maxamuud Aadan oo laga hor joogsaday isagoo Saleeban taasi odayaashaasi booqday kala hadlayana wuxuu sheegay inaanu doonayn inuu kelmad siyaasi ah afkiisa ka soo baxdo isagoo ixtiraamaya gartii adkayd ee beeshu ku gaadhay degmada Garadag.
Guddoomiyaha golaha guurtida Saleeban Gaal ayaan muddo laba sanno ku dhaw golahaasi ka soo xaadirin iyadoo sababta ugu qoran diiwaanka fasaxa ee golaha guurtidu ay tahay inuu hawlo caafimaad ku joogo dalka ingiriiska, lama garanayo waxaa ku kelifay inuu xilka sii hayo maadama aanu jeclayn inay Madaxweyne Siilaanyo iska hor yimaadaan.