tvsle.com
Saturday, 23 June 2012
Dastuurka ayaa ninkastaba ku sandulleynaya jiritaanka Somaliland
Dastuurka Somaliland ayaa ninkastaba sandulleynaya jiritaanka Somaliland


Dastuurka Somaliland ayaa ninkastaba sandulleynaya jiritaanka Somaliland, Siilaanyona waa inuu horkeenaa golayaasha guurtida, iyo baarlamaanka waxkasta oo uu kula soo faqo, maamulka Sheekh Shariif,ee aan maqlikarin erayga Somaliland.


Waa wax lala yaabo in Siilaanyo maanta isku dayo, inuu dhadhamo ka raadiyo dhibaatada uu usoo jiidayo dalka Somaliland, halka uu kolba kula gorgortamayo maamulka sheekh shariif, inuu afkiisa ka dhawro, inay u wada hadlaan laba dal oo beri wax isku darsaday, markii dhibaato ka timidna, ay Somaliland goosatay, inay ka baxdo israacii waxyeellada horseeday, ee illaa maanta dhibaatadiisu si aan xad lahayn u saamaysay, dadyowga soomaaliyeed, ee ku dhaqan degaan kasta oo qof somaali ahi ku noolyahay. Waa wax lala yaabo inuu wada shaqayn iyo talo wadaag, iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo soomaaliya ku beddesho, inay laba ummadood oo walaalo ah oo is ixtiraama noqdaan, faragelintana iska daayaan. Sida aynu ogsoonnay soomaalida geyigeeda waxay u kala baxaan shan maamul oo midba ku joogo xuduudihii afrika loo jeexay, gumaysiga markuu ka kacay, illaa maantana ay Soomaali oo dhami wada ogoshay, inay sidaa ukala dabranaato, waxaase la yaab ah waxa xuduudahaa jira dhammaantood loo aqoonsan yahay, hadday noqoto dawladda Sheekh Shariif, ee ku doodaysa inaan xadkaas kala dhex mara Somaliland iyo soomaaliya aanay aqoonsanayn, sida ay dawladda jabbuuti, ta itoobiya, iyo ta Kiiniyaba ay aqoonsan yihiin xuduudaha ay la leeyihiin Soomaaliya iyo Somaliland. Waa lama huraan inay saddexdaa dawladood aqoonsadaan xuduudda Soomaaliya iyo Somaliland u dhaxaysa, hadday rabaan in ay dagganaansho ka dhacdo goboladaa ay soomaalidu degto, ee lagu xalaaleeyay xeerarkii uu gumaysigu ka tagay, illaa maantana ay wali dhibaatadu ka taagan tahay. Hadday dafiraan ama isdiidsiiyaan in xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxaysaa la xeer tahay ta ay aqoonsan yihiin ee u dhaxaysa iyaga iyo xuduudaha ay la leeyhiin soomaaliya iyo Somaliland ay noqonayso mid ay iyaga laftoodu arrintaa ka hadalkeeda aanay wax wanaaga ka helaynin. Maamulka Siilaanyo maaha markii u horraysay ee uu aqoonxumo intaa leeg ku tallaabsado, ee waa markii shanaad ee uu hagardaamo u soo jiido Somaliland. Waxaynu ognahay in dawlada sheekh shariif aqoonsatay, maamulbeenaadka ka askunmay gobollada bariga, ee aqoonsigoodii magaalada Xamar lagu qabtay dabbaaldaggoodii, taas oo ah dagaal cad oo maamulka sheekh Shariif ku iclaamiyay inuu dagaal kula jiro jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, iskuna dayayo inuu ku dhaqaaqo tallaabo kasta oo uu kuwaxyeellaynayo qaranimada Somaliland, isla markaana uu taageerayo cidkasta oo Somaliland u dhalatay, oo waxyeello ama hagardaamo u gaysanaysa qarannimada Somaliland. Haddaba maxuu ku tilmaamayaa iskaashiga uu la galayo maamulka sheekh shariif ee uu manta soo saxeexay, miyaanay ahayn khiyaamo qaran. Miyaanay ahayn inuu marin habaabinayo qaranimada Somaliland ee dastuurka loo codeeyay ku qeexan. Waxaan leeyahay siiraanyo ama reer Somaliland ayuu ku iimaansan ama walaalkay soomaaliyeedow haddaanay kuu dhadhamaynin inaad Somaliland ku qoysatood ku qallajisato, taad doonayso u guur, dalkan dastuur iyo sharci ayaa ninwalba sandulleeya eh.

Golaha guurtida iyo golaha baarlamaanka Somalilandna iyaga laftoodu haddaanay Siilaanyo waxuu samaynayo ku raacsanayn ummadda dalkan leh ha u sheegaan. Haddii kale waxay noqonaysaa in iyaga laftooda laga tashado, waanay dhacaysaa inaan arrini sidaa foosha xun ee ay manta u socoto ku idlaan doonin.



Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com


published on Saturday, 23 June 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube