tvsle.com
Saturday, 30 June 2012
Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa Oo La Shaaciyey Waqiga La
Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa (HIBF)
oo ka mid ah munaasibadaha halabuurka iyo farshaxanka
ee ugu ballaadhan geeska Afrika waxay sanadkan
bilaabmi doontaa 13-ka July 2012.

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo
sannadkan shan jirsatay waxa doorkan ka qayb-galaya
hal-abuurro, abwaanno, qoraayo, suxufiyiin,
muusigyahan iyo aqoonyahan kale oo isaga yimi dunida
daafeheeda. Waxa kale oo ka qayb gali doonaa intaas
dhigaalkooda oo waddanka gudihiisa ku nool.

HILLAADINTA MUSTAQBALKA: Afartii sanno ee la soo
dhaafay Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa
(HIBF) waxa lagu soo bandhigay doodo, falanqayn,
riwaayado iyo suugaan kale oo la xidhiidha mawduucyo
kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen,
muwaadinimada, faaf-reebka iyo sidoo kale mawduuc aad
u xiiso badnaa oo loo bixiyay xusuus-wadareed. Hase
ahaatee, sanadkan waxa bandhiggu diiradda saarayaa
mawduuc ka duwan kuwaa hore, kaas oo loogu wan-qalay
magaca ‘Hillaadi mustaqbalka”. Ka hor dhallinyarada
Somaliland ee aan helin fursado ku filan oo ay kaga
qaybgalaan isbedellada siyaasadda, dood-wadaagga iyo
la-kulanka dadyow kala fikir, aqoon iyo khibradba
duwan ay u helaan fagaare ay kula kulmaan, codkoodana
kor ugu qaadaan, gaar ahaan dhinacyada waddanniyada
iyo masuuliyad-wadaagga iyo horumarka bulshadaba.

Mawduuca sanadkan ee ‘Hillaadi mustaqbalka’ ayaa
ujeeddadiisu tahay in ay dhalinyarada iyo dhammaan
qaybaha bulshadu ay hillaadinta mustaqbalka kala
qayb-galaan dadyow kala da’ ah, kala aqoon ah, oo
kala aragti duwanni, si ay uga doodaan siduu
mustaqbalkoodu u eekaannayo timaaddada. HIBF waxa uu
ururrada bulshada u noqonayaa madal ay ku wadaaggaan
fikir-isdhaafsi furfuran iyo doodo ku saabsan doorka
sayniska, ganacsiga, maalgashiga, horumarka iyo
dalxiiska Somaliland. Barmaamijka HIBF Waxaa uu
feejignaan gaar ah siin doonaa xaaladda maanta
deegaankeenu uu marayo iyo sida uu isbeddelka
cimiladu mustaqbalka innoo saamayn dono.

Buugaagta carwada lagu soo bandhigi doono waa kuwo
tiro badan, waxaana ka mid ah taxanayaasha Curisyo,
Isweydaarsi (oo ka kooban buugaag caalami ah oo Af-
Soomaali lagu soo turjumay) iyo buugaag kala duwan oo
caalami iyo maxalliba isugu jira. Waxa weheliya dood-
cilmiyeedyo iyo falanqayn toos ah iyo mid dadban
intaba oo dadweynaha fursad u siin doona in ay la
kulmaan dhammaan dadka aynu kor ku soo sheegnay ee
heer caalami iyo kuwo heer maxalli intaba ah.

Evan Christopher oo deggan New Orleans, cariga
Maraykan caanna ku ah muusiga nooca aynu u naqaanno
foodhida, boqorkii cuudka Xudeydi iyo Faysal Cumar
Mushteeg oo ka mid ahaa foollaadkii muusigga qaraamka
ee Soomaalida, ayaa iyana munaasibad wadaag ah ku soo
bandhigi doona dananka muusigga iyo codad loxdan oo
wada socda.

Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa waxay
soo dhawaynaysaa, una taagan tahay in dhalinyaradu
door firfircoon ka qaataan tartanka Sheeko iyo
Shaahid ee hab-qorista sheekooyinka gaagaaban,
tababarka kooban ee hab-qorist sheekooyinka iyo
dhammaan qaybaha kala duwan ee uu bandhiggu ka kooban
yahay, iyada oo ay gacan ka geysanayaan naadiyada
akhriska ee dalku. Sidoo kale, waxa bandhiggu fursad
siin doonaa in dhalinyaradu ay soo bandhigto
halabuurkooda iyo hibadooda maskaxeed.

Muddada uu socdo bandhigga buugaagta caalamiga ah ee
Hargeysa waxa lagu soo bandhigi qaybo kala duwan oo
xiiso badan oo ay ka mid yihiin, daah-furka buugaag
cusub, riwaayado, gabayo, suugaan, dood-cilmiyeedyo
iyo madadaallo kale oo sal ballaadhan. Waxaana la soo
gebo-gebayn doonaa 18-ka July 2012.

Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah iyo hab-socodka
bandhigga sanadkan, booqo website-ka bandhigga oo ah
www.hargeysabookfair.com ama ka seeska dhaqanka iyo
suugaanta ee Redsea Online: www.redsea-online.com.

Faahfaahinta intaa dheer iyo wixii su’aalo ah la
xidhiidh telefoonnada 4099088 (Telesom) 9203995
(Somtel) & Email: hibf@hargeysabookfair.com

Buugaag Geeddi ah: Maktabadda wareegta 2012 waa
socdaalka dhiganaha qoran ee magaalooyinka

Maktabadda wareegtaa waa qayb ka mid ah bandhigga
buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa. Waa hab ka duwan
habab inta badan laga yaqaanay dalka, kuna cusub
saaxadda buug-akhriska ee Somaliland. Maktabadda
wareegtaa waa nidaam ay kooxo kala duwani ay buugaag
tiro badan ku geynayaan magaalooyinka waawayn ee
dalka, si ay fursad wax-akhris u siiyaan dadka aan
inta badan helin fursad tan la mid ah, gaar ahaan
dhalinyarada.

Maktabadda wareegtaa waa hab lagu doonayo in dadweyne
tiro badan lagu gaadhsiiyo buugaag kala duwan, iyada
oo ay gacan ka geysanayaan naadiyada akhriska ee
gobolladu. Nidaamka maktabadda wareegtaa waxay
dhiirigelinaysaa in la helo dad tiro badan oo hela
akhris kala duwan iyo in ay helaan maktabado u
suurtogeliya akhrinta buugaag badan.

Maktabadda wareegta waxa ay hirgelinaysaa rabitaanka
dadka ee ah inay wax bartaan, isla markaana ka
qaybgalaan nidaamka akhriska. Waxaana ka qayb-galay
sanadkii hore kumannaan qof oo aad u soo dhaweeyey
buugaagtii kala duwanaa ee magaalooyinka la geeyay,
iyaga oo ka qayb-galay dood-cilmiyeedyo iyo kulamo
kala duwan.

Sanadkii hore ayay dawladaha hoose ee magaalooyinka
waawayni ay ballan-qaadeen in magaalo kasta ay u
sameeyaan maktabado wax-akhris, si ay dadweynaha oo
ay ugu horreeyaan dhalinyaradu u helaan goobo ay wax
ku akhristaan. Iyada oo taas laga duulayo ayaa sagaal
magaalo oo ka mid ah kuwa maktabadda wareegtaa ay
sanadkii hore booqashada lagu geeyay ay ballankaas ka
soo baxeen oo ay dhul iyo dhisme loogu talo-galay in
laga dhigo maktabad wax-akhris ay hirgeliyeen.

Sanadkan waxa maktabadda wareegtaa ay ka bilaabmi
doontaa magaalada Boorame ee gobolka Awdal 02 July
2012 waxaanay socon doontaa ilaa magaalada Ceerigaabo
ee gobolka Sanaag iyadoo isaga gudbaysa magaalooyin
kale oo ka mid ah xarun-gobolleedada Somaliland.

Marka maktabadda wareegta ay ka qabsoonto
magaalooyinka waawayn ee dalka, waxa dhiganaha qoran
ee wareegaa uu ku soo af-meermi doonaa magaalada
Hargeysa, halkaas oo ay naadiyada akhriska iyo
kooxaha kale ee hagayaa ay isugu tegi doonaan, si ay
muddada uu bandhiggu socdo ay ugu soo bandhigaan
natiijada wax-qabadkoodii sanadkii tegay.

Sidoo kale, inta lagu gudo-jiro bandhigga buugaagta
caalamiga ah ee Hargeysa, waxa la soo bandhigi doonaa
filim gaaban oo laga duubay maktabadda wareegta
sanadkii 2011kii. Waxa ku xigi doona qayb lagu
falanqayn doono halka uu marayo ololihii loogu jiray
sidii ay maamullada gobolladu ama dawladdaha hoosaba
uga hirgelin lahaayeen maktabado laga dhiso dhammaan
magaalooyinka waaweyn ee dalka.
hibf (hibf@hargeysabookfair.com
TVSLE
published on Saturday, 30 June 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube