tvsle.com
Saturday, 30 June 2012
Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ka Soo Jeeda Gobolka
Xildhibaano uu ka mid yahiin xildhibaan Cali
Sheekh Ibraahim Aareeye, Maxamuud Xirsi, Xildhibaan
Jirde Daahir Maxamuud oo ka tirsan Golaha Guurtida
iyo wakiilada ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku
qabteen magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay abaar
ba’ani ku habsatay deegaanada Salal, taasi oo saamayn
ku yeelatay dad iyo duunyabba.





mudanayaashan oo qaar booqasho ku tageen gobolada
galbeedka gaar ahaan gobolka Salal ayaa ka waramay
xaaladda abaareed ee ka jirta goblkaasi , Xildhibaan
Daahir Jirde oo ka hadlaya xaaladda gobolkaasi ayaa
yidhi : “Waxaan leeyahay dhammaan deegaamada
gobolka Salal oo dhan abaartu waa mid saamaysay,
waxaanu ku baaqaynaa dadkaasi abaartu hayso in loo
sameeyo gurmad caalamiya, mid qaran iyo mid qurbo-
joogba in loo gurmado. Waa dad dhibaataysan ee waxaan
u soo jeedinaynaynaa in dadkaasi loo gargaaro,
“Dhibaatadii abaartu way sii xoogaysatay oo xataa
dhimasho ayaa imika la soo sheegayaa markaa waxaan
Ganacsatada, dadweynaha iyo qurbo jooga Somaliland u
soo jeedinaynaa inay dadkaasi u gurmadaan.”.





Hargeysa (tvlse) Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim
Aareeye oo ka tirsan golaha wakiilada oo isna shirkan
jaraa'id ka hadlay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa
isaga oo sheegay in ay dadka deegaankaasi aad u soo
dhaweeyeen baaq uu dhawaan madaxweynuhu u diray
umadda Somalilanjd oo uu ugu sheegayey baaxadda
abaarhaasi ay leeyihiin taas oo uu kaga codsaday in
gurmad lala gaadho dadkaasi "“Waxaan Madaxweynaha ugu
hambalyaynaynaa baaqii uu ka soo saaray abaaraha
gobolka Salal. Waxaanu hambalyo u soo jeedinaynaa
mahad naq cid kasta oo taakulo ka geysatay abaartan.
Lama qarin taageeradii ay ka geysteen dadkii Jabuuti
ka yimid waana u mahad celinayaa Somaliland iyo cid
kasta oo taakulo ka geysataba,”. waxa kale oo ay
xildhiaanadani dhaliilo u soo jeediyeen xukuumadda
cabashooyin ay sheegeen in aanay lasiin saamigii ay
gobol ahaan halilahaayeen, iyo mucaawanaad ay
sheegeen in aan la soo gaadhsiinin .





shirkan jaraa'id ayaa ay xildhibaanada waxa kale oo
ay umadda reer Somaliland iyo ciddii wax tar ka
gaysankarta ba ugu baaqeen in ay gurmad deg-dega la
gaadhaan dadka ku tabaaloobay abaaraha gobolada
galbeeka Somaliland .

tvlse





published on Saturday, 30 June 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube