tvsle.com
Sunday, 1 July 2012
Siilaanyo Iyo xagla Toosiyay Oo ku kulmay Dubai
Dubai (Tvsle) June 30,2012 – Madaxwaynaha Somaliland
Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa heshiis
nabadgalyo la saxeexday Hogaamiyaha Kooxda SSC oo in
muddo ah dhibaatooyin amaan daro ka waday deegaanada
Gobolka iyo Buuhoodle ee Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo iyo Saleebaan Ciise Xaglo-
toosiye oo maanta kulan ku yeeshay Magaaladda Dubai
ayaa isku afgartay in nabadgalyada deegaanada Sool
iyo Buuhoodle laga wada shaqeeyo sida lagu sheegay
War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka
Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir
(Cukuse), kaasi oo u dhignaa sidan “Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabiley
Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL,
Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan Ciise Axmed Kaar
(Xaglatoosiye).

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada
hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida
Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo
taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay istu-seen isla
markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga
deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee
kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-
barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada
kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida
biyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu
dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo
khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da
kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu
balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo
soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer
soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u
kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga
iyo wada jirka.”Xigasho Ramaasnews.


published on Sunday, 1 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube