tvsle.com
Monday, 2 July 2012
Qalabkii Lagu Dhisaayey Dhabadda Ay Diyaaraduha Ka Haadaan Ee Mada
Hargeysa (tvsle)-Qalabkii lagu dayac-tiraayey
dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan kana soo dagaan ee
madaarka Hargeysa ayaa maanta soo gaadhay madaarka
caasimadda ka dib markii laga soo qaaday dekadda
Berbera.

Qalabkan oo muddo a sugaayey ka dibmarkii
madaxweynuhu dhagaxdhigay dib u habaynta iyo
ballaadhintan lagu samaynaayo Railway-ga ayaa maanta
si rasmi ah u soo gaadhay madaarka .


Agaasimaha Baratikoolka ee wasaaradda duuslita iyo
hawada Cabdilaahi Caarshe oo ka hadlay qalbkan
maanta madarka soo gadhay waxa hadalkiisa ka mid
ahaa “ waxaa maanta noo farxad ah in qalabkii
madaarka lagu dayactiraayey si toosa ah noo soo
gaadho, waxay hawshu u u bilaabmaysaa si dhakhso ah
“.


Waxa kale oo halkaas ka hadlay maamulaha shirkadda
dayactiraysa madaarka isga oo faah-faahin ka
bixinaayey qalabkan waxaan hadalkiisa ka mid ahaa “
qalabkani maaha mid sahalan waa mid soo maray dhawr
dal, qalabka rakibaadiisu waxay nagu qaadaynaysaa
muddo aan badnayn ,shaqaduna markaasay si toosa u
bilaabmaysaa, waxii intaas dheer dib ayaan idin kula
socodsiinaynaa “.

Waxa kale iyaduna halkaas ka hadashay Eng ka tirsan
shirkadda madaarka dib u habaynta ku samaynaysa
waxaana hadalkeeda ka mid ahaa “qalabkii aanu inta
badan sugaynay maanta ayuu na soo gaadhay , waana
qalab aad ugu muhiim ah samaynta Railway-ga , waxaanu
filaynaa in ay shaqadu si deg-dega noogu bilaabmato
“.

published on Monday, 2 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube