Daallo (TVSLE) July 2,2012 - Shirkii Daallo ee beesha Habaryoonis Doraad uga bilaabmay Duleedka Ceerigaabo ayaa la go抋amiyay inuu yahay shir dhaqan oo aanay Siyaasiyiinta Beesha midkoodna ka qayb geli Karin.
Sidoo kale waxa la go抋amiyay laba boqol iyo laba iyo toban Ergay oo shirka si rasmi ah uga qayb geli doona, kuwaasoo labaatanka Tusmo ee Beelaha Habaryoonis laga xulay, dhexdoodana ka dooran doona Hogaanka shirka.
Shirka beesha ayaa maanta gudda-galay doorashada hogaanka shirka isla-markaana la gudagalo Ajandaha ay keenaan ee shirku muddada uu socdo lagu falan-qeyn doono.
Waxa Shirka markii hore ku yaacay siyaasiyiin xukuumaddihii hore ka soo qabtay Xilal Heer Wasiir ah iyo kuwo imika xilal haya, iyadoo Hogaamiyayaal Ururada Siyaasada ah qaarkood joogeen qaar kalena ku sii socdeen balse imika u muuqda kuwo iska soo guryo noqon doona ilaa inta shirku ka dhamaanayo, inkasta oo ka hor intii aan loo sheegin inay shirka u daayaan Madax-dhaqameedka iyo aqoonyahanka beeshaasi ay hadalo ka jeediyeen Wasiir Duur, Dr Cabdi Aw Daahir, Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Siciid Sulub Maxamed.
Wasiir Duur oo ka mid ahaa masuuliyiinta ciidamadii la socday hore looga reebay ayaa hadalka uu maanta halkaasi ka jeediyay ku sheegay in shirkan aanay xukuumaddu wax sas ah ka qabin, isaga oo beeniyey inuu halkaasi u tagay carqaladeynta shirka beeshiisa.
shirkan ayaa markii ay hadalada ka jeediyeen masuuliyiintani isla-markaana ay ka baxeen rasmi ahaan u gudda galay hawlihiisa la xidhiidha doorashada shir-guddoonkiisa, waxaana la filayaa in ilaa maalinta berri ah la soo saaro ajandaha shirkaasi ku shaqeyn doono.