Af-hayeenka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Arrimo Kala Duwan
Hargeysa (TVSLE)- Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaaca ka qaaday in xukuuumadu ay diyaarisay kharashka dhankeeda ay ku bixinayo qabashada doorashada dawladaha hoose oo uu sheegay in ay dalka ka dhici doonaan dhamaadkan sannadkan.
Af-hayeenka oo wareysi gaar ah siiyay Telefiishanka Royal TV , ayaa sheegay lacagta xukuumadu ay bixinayso oo ah %25 uu Madaxtoodu ogolaatay , isla markaana lagu wargeliyay wasiirka maaliyada, isaga oo sida oo kale sheegay in wadamada deeq-bixiyayaashu ay gacanta ku hayaan qaybtooda kharashka doorashada oo ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan, inkastoo guddida doorashooyinka Qaranku ay toddobaadkan ku dhawaaqeen in aanay hayn lacagtii lagu qaban lahaa doorashadaas .
“ Lacagta %25-ka xukuumada waxa ay ku jirtaa qasnada , waaba geed ka go’an Madaxtooyada waa laga gudbiyay wasiirka maaliyada iyo kooxdaa qasnada yay ag taallaa, maaha arrinbaa xukuumada ku baaqatay , ta deeq-bixiyayaashana lacagta inteedii badnay gacanta ayay ku hayaan marka toddobo meel laga dhigo meel ahaan ayaa ka maqan. Taasna waa qaadhaan bixiyayaaloo way uruurinayaan waa arrin farsamo, laakiin waa ay ka go’an tahay in ay lacagta bixiyaan dabeed waxa ay doorashadu dhacaysaa sannadkan gudiihsa oo ah dhamaadka.
Mar la waydiiyay go’aanka Somaliland qaadan karto haddii beesha caalamku caadis ku saarto in ay la midowdo Soomaaliya, marka uu bilaabmo wejiga saddexaad ee wada hadalada labada geesood, waxa uu sheegay in aanay Somaliland ka noqon doonin go’aankeeda oo uu ku tilmaamay mid shacab.
“Laba maaha shan maaha inta Madaxwenuhu ku celceliyay in mawqifka Somaliland ee gooni isu taago yahay wax aan gorgortan gelayn iyo wax hadal galaya mid ahayn oo dib looga laabanayo , masuulkastoo xukuumada ka mid ahina wuu idiin sheegaa , waxaan kuu sheegayaa tani waa qadiyad ummadbaaba leh , qadiyadaas ummadu si alla siday xalaal waa lagu dagaal galayaa . Maaha idin iyada dib loo celinayo xukuumadu waa ay jirtaa qadiydana Somaliland waa ay jirtaa” .
Waxa kale oo uu sheegay in dawlada ka jawaabtay dhitaabada abaarta eek a taagan gobolada Galbeedka dalka, isaga oo tilmaamay in la gaadsiiyay kaalmo aan badanyd,laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay gargaar intaas ka badan oo loo baahan yahay. TVSLE