tvsle.com
Friday, 6 July 2012
Guddoomiye Cabdiraxman Cirro Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Ceerigaa
CEERIAABO (TVSLE)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana magaaladda Hadheeyay samxadda Taageereyaashiisa iyo Gaadiidka ay wateen.

Guddoomiyaha Wakiiladda waxa duleedka magaalada Ceerigaabo kaga horyimid Salaadiin, dadweyne tiro badan oo ka mid ah taageereyaashiisa gobolka Sanaag iyo masuuliyiinta ururka WADANI ee magaaladaas.

Guddoomiyaha ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay taageereyaashii soo dhaweeyay waxa uu uga mahad celiyay sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay inuu socdaal shaqo ku yimid gobolka Sanaag.
Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu sheegay inuu ka qeyb gali doono shirka loogu magac-daray Tallo iyo Towfiiq ee beelaha Habar-yoonis uga socda buurta Daallo ee duleedka Magaalada Ceerigaabo. Kaasi oo uu carabaabay inuu maalinta Sabtida ka qeyb geli doono.

Boqolaal ka mid ah taageereyaasha ururka WADANI ayaa sufuuf u taagnaa jidadka magaalada kuwaasi oo ruxayay calanka ururkaasi iyo sawirka Hoggaamiyahooda.
TVSLE
published on Friday, 6 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube