tvsle.com
Friday, 6 July 2012
Badhasaabka Saaxil oo Suxufiyiinta Gobolka Ugu Hanjabay Xayiraad
BERBERA (TVSLE)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa sheegay inuu ruqsad iyo liisan ku soo rogi doono Suxufiyiinta wakiiladda uga ah warbaahinta dalka gobolka Saaxil.

Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu saxaafadda maalintii Salaasadii todobaadkan kula hadlayay madaarka magaalo xeebeedda Berbera, halkaasi oo ay koox suxufiyiin ahi u tageen soo dhawayntii weftigii madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalka ku soo guryo-noqonayay.

“Waxaan idiin sheegayaa in aan dhawaan ragga suxufiyiinta gobolka Saaxil ka hawl-gala aan ku soo rogi doono liisan oo aanu ka hawl-geli Karin in mid aan waraaq ogolaansho ah iyo liisan aan ka qaadan maamulka gobolka,”ayuu Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ku yidhi koox suxufiyiin reer Saaxil ah oo madaarka u joogay soo dhawaynta weftigii qaran ee madaxweynaha Somaliland Hoggaaminayay.

Badhasaabku Suxufiyiintii halkaasi joogtay wuxuu u soo jeediyay hadalo iskugu jiraan handidaad, hanjabaad iyo cago-juglayn. Waxaanu tilmaamay inuu si adag ula xisaabtami doono.

Mid ka mid ah suxufiyiintii ka tagay magaaladda Hargeysa oo goobtaasi ku sugnaa ayaa ugu jawaabay “Guddoomiye, waxa warbaahintu ay ogolaansho sharciya ka qaateen wasaaradda warfaafinta iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka ee maxaa kalifaya inaad ogolaansho siiso,”

Mr. Ramaax waxa uu si cadho leh ugu hal-celiyay suxufigaasi “Adeer Anigu gobolka aan masuulka ka ahay ayaan ka hadlayaa ee Hargeysa kama hadlayo. Nin suxufiya oo aan iga haysan qoraal ogolaansho ahina kama shaqayn doono halkan (Berbera).”

“Ogolaansho waxa imika iga haysta oo qudha C/Kariim Siciid Saalax (Wakiilka Horn Cable) iyo Mukhtaar C/Raxmaan (Weriye Ka tirsan TV-ga Qaranka) inta kalena waan ku soo rogayaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Suxufiyiintii gobolka Saaxil ka hawl-gala waxay shabakadda wararka ee Somaliland.Org u sheegeen in Badhasaabka Saaxil ku hayo hanjabaad aan kala go’ lahayn iyo cago-juglayn uu ku faro-gelinayo shaqadooda.
tvsle
published on Friday, 6 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube