Ururka Saxafiyiinta SOLJA Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Hanjabaad Ka Soo
Hargeysa (TVSLE)- Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta si kulul u cambaareeyay tallaabooyinka cagjuglaynta ah ee badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste Ramaax ku hayo saxaafada ka hawlgasha gobolkaas.
Guddoomiyaha ururkaas Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel-ka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal hanjabaad ahaa oo toddobaadkan ka soo yeedhay guddoomiye Ramaax oo sheegay in aanu gobolka madaxda uu ka yahay in aanu ka hawgeli Karin suxufi aan isaga ogolaansho ka haysan, isaga oo hanjabadaas ku tilmaamay mid aan hakin karin shaqada warbaahinta deegaankiisa.
"Guddoomiyaa gobolku waxa uu sameeyay takooris uu kala takooray inamada suxufiyiinta ah ee jooga Magaalada Berbera , sidaas darteed guddoomiyaha waxa aanu leenahay sida aad u dhaqmaysaa maaha wax wanaagsan waa si laga qurux badan yahay oo aad looga fiican yahay . Saxaafada iyo suxufigu maaha qaar adiga iyo qayrkaa daba fadhiisanaya , maaha qaar yeelanayso oo aad ki takri falayso oo ka ku diidana aad eryi doonto ka ku ogolaadana aad soo dhaweyn doonto” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf .
Hadalka guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli saxaafada gobolka Saaxil ay ku jirto xaaladii ugu xumayd, iyada oo madaxda gobolkaas ay kula kacayaan tacadiyado aan wax ka qabasho lahayn. TVSLE