Fadhigan oo uu guddoominayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax waxa madasha ka soo xaadiray 43 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay.
Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale waxa ogolaaday 41 Mudane, Cid Diidayna ma jirto, waxaana ka aamusay Hal Mudane Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Md Cali Cilmi Geelle waxaa ansixintiisa ogolaaday 41 Mudane, mana jirto cid diiday waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya. Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Md. Mawliid Maxamed Ibraahim waxaa ansixiyey 42 Mudane Cid diidayna ma jirto cid ka aamustayna ma jirto. Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.
Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Cabdilaahi abokor Cismaan waxaa ansixiyey 41 Mudane, Cid diidayna ma jirto, waxaana ka aamusay Hal Mudane oo keliya. Gudoomiyahuna ma codayn.
Gudoomiyaha Hay抋da shaqaalaha dawladda iyo ku xigeenkiisa Nuux Sh Muuse Ducaale iyo Guddoomiye Ku xigeenka Ha抷ada shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi waxaa ansixintooda ogolaaday 42 mudane, Cid diidayna ma jito, Cidina kama aamusin, Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanay ku ansaxeen.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ahna Md. Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa golaha hortiisa ka akhriyey in wasaarad ahaan ay ku shaqaynayaan qorshaha horumarinta Shanta Sano ee 2010 ilaa 2015-ka.
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo isna golaha wakiilada la hadlay waxa uu soo bandhigay qorshaha wasaaradiisu ugu talo gashay hanaanka midaynta shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka, taasoo uu ku tilmaamay qorshe u sahlaya shacabka inay hal taleefoon qaataan.
Waxa ansixinta Masuuliyiintaasi ka hor Xildhibaanadda loo akhriyay CV-yada iyo waayo-aragnimadda masuuliyiintaasi. Gebagebadii fadhigii maanta waxaa mudanayaasha loogu qaybiyey Xeerka saamiga haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. TVSLE