tvsle.com
Monday, 9 July 2012
Komishanka Doorashooyinka oo cadeeyay in xukuumaddu ay shubtay kharash
HARGEYSA (TVSLE)-Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa maanta shaaca ka qaaday inay xukuumadu ay bixisay oo ay ku wareejisay lacagtii 25%-ka ahayd ee loogu tallo-galay in dawladdu ay kaga qeyb qaadato kharashaadka lagu qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee aan wali la cayimin xiliga ay qabsoomayaan.

Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Gudidda Doorashooyinka, waxaanu xusay inay lacagtii xukuumadda laga sugayay ee lagu qabanayay doorashada Golayaasha deegaanka lagu shubay bog xisaabeedka ay Komishanku ku leeyihiin Baanka dhexe ee Somaliland.

“Waxaan maanta jecelahay inaan ummadda u cadayno in xukuumadda Somaliland ay bixisay oo ay bog xisaabeedka (Account)-ka komishanku ku leeyahay baanka dhexe ay ku shubtay oo aanu gacanta ku hayno. Lacagtan oo ah 25% xukuumadda lagu qeybiyay inay kaga qeyb qaadato dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Goleyaasha deegaanka dalka,”ayuu yidhi Md. Maxamed Axmed.

Afhayeenku waxa uu sheegay inay ka filayaan qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland kharashkii ay kaga qeyb qaadan jireen hirgelinta doorashooyinka Somaliland oo dhan 75%.

“Waanu ka sugaynaa qaadhaan-bixiyeyaasha dhaqaalihii ay inagu taageeri jireen. Waxaanu ka haysanay balan qaad ah inay doorashadanna ina taageerayaan oo aanay inagaga baxaynin,”ayuu intaas raaciyay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinku.

Mr. Maxamed Axmed waxa uu sheegay inay xubnaha Komishanku ay u kala bixi doonaan goboladda dalka si ay u soo furtaan xafiisyadoodii gobolada wadanka.

Afhayeenka oo ka hadlayay xiliga ay cayimayaan doorashadda deegaanka waxa uu yidhi “Markaanu dhaqaalahaasi ka helo qaadhaan-bixiyeyaasha ayaanu cayimi doonaa xiliga ay doorashaddu qabsoomayso.”
TVSLE
published on Monday, 9 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube