tvsle.com
Monday, 9 July 2012
Wasiirka Caafimaadka oo Dhagax Dhigay Cusbatal Loogu Magacdaray Marxuu
Hargeysa (TVSLE)- Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Qorsheynta Qaranka iyo Dib-u-dejinta, ayaa maanta si wadajir ah u dhagax-dhigay Cisbitaalka Dhimirka ee magaalada Boorame.

Cusbatalkan cusub ee Dhimirka, waxa loogu magac-daray Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jawhar oo dhowaan shil baabuur ku geeriyooday, kaasoo hore ugu talojiray hirgelintiisa, ka hor intii aanu geeriyoon.

Hirgelinta dhismaha cusbatalkan waxa hadda la wareegay qoyska reer Cali Jowhar, iyadoo uu hawsha dhismaha fulinteedana masuul ka ahaan doono Sh Cabdullaahi Sheekh Cali Jawhar oo ah Sheekhul-beledka magaalada Boorame, isla markaana ay walaalo ahaayeen marxuumkaas.

Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo kulankaasi ka hadlaya, ayaa ku nuuxnuuxsaday shaqsiyadii Dr Cabdishakuur oo uu ku tilmaamay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka faro-ku-tiriska ah ee yaqaanay hawsha daaweynta Cudurada Dhimirka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumedd Maxamed (Xuseen-Xoog) oo munaasabadaa hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in bahda caafimaad ee Somaliland aanay marnaba illaawi doonin kaalintii uu kaga jiray Dr cabdirashiid Sh cali Jawhar, Cisbitaalkan Cudurada Dhimirka oo magacii Dr cabdirashiid qaadan doonana ma noqon doono ayuu yidhi Dr Xoog cisbitaal u shaqeeya reer Awdal ama reer Somaliland, laakiin waxa uu u adeegi doonaa cid kasta oo la tabaalaysan Cudurada Dhimirka.

Sheekhul-beledka Deegaanka Boorame Sh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar, ayaa isna uga mahadnaqay Masuuliyiintii Xukuumadda iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qaybgalay munaasabadda dhagax-dhiga Cisbitaalka dhimirka ee Boorame, wuxuuna soo dhoweeyey cid kasta oo gacan ka gaysanaysa hirgelinta Cisbitaalkan oo laga dhisayo xaafadda Boqorre Warsame ee Koonfurta Boorame.
TVSLE
published on Monday, 9 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube