Shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL iyoGoogle oo Heshiis ku wada saxeexd
Hargeysa (TVSLE)-Shirkadda is gaadhsiinta casriga ah ee Somtel ayaa soo bandhigtay adeegga cusub ee Somtel service Google,shirkadda Somtel sidaa waxay ku sheegtay shirjaraa’id oo uu maanta Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ku qabtay maareeyaha guud ee shirkadda Somatel Cawil Saalax Cabdi oo ay wehelinayeen Chief Engneerka guud ee shirkadda Somtel Haashi Maxamed Xasan,madaxa ISP Xasan Sheekh Suufi,Madaxa Iibka iyo suuq geynta Iid Muuse Muxumed. . Dhanka kalana shirkaasi jaraa’id ee ay shirkaddu qabtay waxaa dhinacooda goob joogg ka ahaa saraakiil sarsare oo ka socotay xafiiska shrikadda caalmaiga ah ee Google kaasi oo noqonaya heshiiskii ugu horeeyey heer caalami ah ee ay shirkadda Somtel la gashay shirkadda Google ee ku caan baxday xagga adeeyada Internetka.
kulankii heshiiska labada shirkadood ee Somtel iyo Goole waxaa ugu horeyn halkaa ka hadlay Injireerka guud ee shirkadda Somtel Haashim Xasan Maxamed waxaanu si booban uga warbixiyey shirkadda Somtel iyo adeegeeggyadeeda kala duwan ee ay bulshada u hayso gaar ahaan adeegga Internetka oo ah kan ugu xawaaraha dheer ee laga isticmaalo Somaliland oo dhan.
Mr Haashim waxa uu xusay inay shirkadda Somtel ku faraxsantahay inay shrikadda caalamiga ah ee Google Somtel u dooratay inay noqoto inay xidhiidhiso iyada iyo isgaadhsiinta kale ee Somaliland ka jirta “aniga oo ku hadlaya afka shrikadda Somtel iyo guud ahaamba Dahabshiil Grouops waxaanu soo dhaweynaynayaa shirkadda Google oo ay maanta halkan [Ambassador] inaglaga joogaan wafi uu hogaaminayo ku Gudoomiye ku xigeenka shirkaddaasi Mr Nelson” ayuu yidhi Eng Haashim Maxamed Xasan. DSCN1750 “saaxiibadeena Google oo dunida oo dhan laga wada yaqaano waxaanu ku soo dhaweynaynaa Somtel oo aad ku barateen inay tahay shirkadda ugu Internetka fiican Somaliland” ayuu yidhi yidhi Eng Haashim Maxamed Xasan.
“hadda kahor waxaanu ka wada xaajoonay wafdigii idinka soo horeeyey ee ka socday xafiiska Google inay naga caawiyaan isku xidhka xagga Internetka ah ee Google iyo Somltel” ayuu yidhi Eng Haashim Maxamed Xasan.
Intaa ka dib waxaa madashaasi ka hadlay maareeyahah guud ee shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu kawaramay heshiisna xagga wada shaqaynta ah ee ay sida wadajirka ah uga shaqaynayaan Somtel iyo Google,Mr Cawil waxa uu sheegay in uu heshiiskani laba geesoodka ahi ku yimid wadahadalo dhexmaray saraashiisha laba dhinac hadda kahor mar ay Hargeysa booqasho ku yimdeen saraakiil kale oo ka socotay Google.
Maareeyaha Somtel waxa uu sheegay inay dadka reer Somaliland Somtel ugu bushaaraynayso inay keentay dalka Shirkadii ugu weynayd xagga adeegga Internetka ee Google isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “maanta waxaanu dadweyaha reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inay Hargeysa inoogu timid shirkaddii caalamka ugu weynad xagga adeegga Internetka ee Google” ayuu yidhi maareeyaha guud ee shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi. DSCN1752 “runtii waa fursad qaali ah inay Google Hargeysa inoogu timaado oo aan la samayno xidhiidh isku dhan” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi,waxaanu faah faahin ka bixiyey nooca uu noqonayo xidhiidhka isku dhan ee uu sheegay inay wada yeelanayaan Somtel iyo Google isaga oo arrimahaa sharaxayana waxaa hadalladiisii kamid ahaa “marka aan leeyahay waxaanu wada yeelanaynaa xidhiidh isku dhan waxaan uga jeedaa mid khuseey xagga comumunicationka ma ay dadku fariimaha iskugu gudbinkarayaan”
Somalidu waxay tidhaadaa war la helyaaba talo la hel maanta waxaan ugu bushaaraynayaa macaamiisha Somtel ee isticmaala adeeggeeda iyo kuwa aan rajaynayo inay nagu soo biiridoonaan wiiggaga iyo bilaha soo socda inay shirkaddii Googel oo banaamijyadeedii wadataa Hargeya inuugu timid” ayuu yidhi maareeyaha Somtel Cawil Saalax Cabdi.
Cawil Saalax waxa uu sheegay inay Somtel soo qabatay shaqada xagga adeegga Internetka waxbadana uga hirgaleen isla markaana ay soo dhamaatay qaybtii ugu dambeysay hirgalinta adeeggyadaasi balse waxa uu xusay in uu adeeggani cusub ee ay Google waxa hirgalinayaani dadka u saamaxayo inay adeegsankaraan SMS ka iyo waxa loo yaqaano VIOP-ka oo ah inaad ku dhex hadli karto adiga uu kujira Acount-gaaga aad ku leedahay Gmailka isla markaana kala sheekaysan karto dadka kale sidii caadiga ahayd ee aad uga hseekaysan jirtay Facebook-ga iyo MSN ka. DSCN1745 “adeeggani cusub ee anau sida wadajirka ah u hirgalinayno anaga [Somtel] iyo shirkadda Google waxa uu kuu saamaxayaa inaad Gmailka Acount-ka aad ku leedaha si caadi ah dadka ugala sheekaysan karto iyada oo aanay wax lacag ahi kaagaga baxayn oo aanu free kaaga dhignay” ayuu yidhi Mr Saalax.
waxaan rajaynayaa inay macaamiishu u riyaaqi doonaan isla markaana ay naga helidoonaan adeeggyada ay uga baahan yihiin xidhiidka caalamka intiisa kale iyaga oo adeegsanaya barnaamijka Somtel Google” ayuu yidhi maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi.
Cawil waxa uu sheegay inay Somtel ku gaadhay talaabadani dadaalkii badnaa ee ay qaadeen shaqaalaheeda oo adeegsanaya aqoontooda iyo khibradda dheeraadka ah ee ay u leeyihiin macluumaadka xagga Internetka “waxaan isleeyahay arrintani waa talaabo horey loo qaaday waxaana shirkadda Somtel u saamaxay dadaalkii badnaa ee ay sameeyeen shaqaalaheedu” ayuu yidhi.
Intaa kadib maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaa la waydiiyey maadaama ay dadku markii horaba isticmaalijireen adeegga Internetka ee Somtel waxa uu kani kaga duwanaan karo qaybaha kala duwan ee Internetka sida Facebook-ga,MSN ka iyo kuwo kale waaanu ku jawaabay. DSCN1753 “waa run oo sida aad sheegtay Somtel waxay bixinjirtay adeega ugu dheereeya ee internetka dhinaca Google-ka iyaga oo u sii marijiray service-ka aanu bixino ka Somtel ahaan oo ah kan ugu tayada badan oo aan lahayn tagitaan iyo inu gaa go;o midna”
Dhanka kalana waxa uu sheegay maareeyaha Somtel inaad cidkalana la xidhiidhi karto adiga oo isticmaalaya SMS-kaaga caadiga ah islamarkaana aad qofkale oo Mobile kiisa wata kala hadli karto Laptop kaaga iyo hadba nuuca yahay cumputerka aad adggsanaysaa.
Isla su’aashaasi waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka shkirkadda caalamiga ah ee Google Mr Nelson waxaanu sheegay inay dadka macaamiisha u ah Shirkadda Somtel hadda kadib awoodi doonaan inay saaxiibadooda kale ee dunida dacaladeeda kala jooga si dhibyar ugala sheekaysan karayaan marka ay galaan Acount-ka ay ku leeyihiin Google Gmail-ka.
Isaga oo arrimaha asharaxaad ka bixinayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa “adeegsiga Google service waxa uu kuu sahlaya inaad la xidiidho macaamiishaada kaladuwan ee caalamka kala jooga”
“qofkasta waxay u leedahay faa’iido badan waanay u dhibyartahay inuu adeegsado barnaamijka aanu iska kaashanayno shirkadda Somtel” ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka shirkadda Google Mr Nelson.
“waxaa fiican inaad si toos ah source-ka uga hesho ciddii ay sida tooska ah arrinatani u khusaynaysay si aadan hadhaw ugu jaha wareerin” sidaa waxaa yidhi maareeyaha shirkadd Somtel Cawil Saalax Cabdi kadib markii Mr Nelson bixiyey sharaxaadaasi.
Dhanka kale Mr Cawil maareeyaha Somtel waxaanu waydiinay sida hadhaw loo cilad bxiin karo hadii ay caqabadu ku timaado isticmaalka adeegani cusub maadaana u yahay mid hadda uun la bilaabayo iyo cidda ciladdaasi bixin doontaa mawaxay noqonaysaa Google qudhooda oo xafiis ka furan doona Somaliland mase si kale ayaa loo xalin doonaa wixii caqabad ah ee ku timaada macaashiisha Somtel ee adeeganaya barnaamijkani.
Waxaana su’aashaasi ka jawaabay Eng Haashim waxaanu yidhi “haddii ay dhacdo inay macaamiishu dareemaan wax cilad ah waxaanu kala kaashan doonaa Google iyaga oo jooga US waxaanan ku wada xidhiidhaynaa Online ahaan iyaga oo halkaa naga hagi doona si aanu u xalino wixii farsamo ahaan looga maarmi waayo wixii kale ee intaa ka soo hadhayna waxaanu leenahay Engeneero khabiiro ku ah dhinaca Hardware-ka oo hawshaa dhamayn karaya” ayuu yidhi Engeneerka guud ee shirkadd Somtel.
waxaan hadalka ku soo gabagabaynayaa waxyaabaha ay Google contract-ga nagula gashay waxaa kamida inay iyadu ka masuul noqonayso wixii cilad ah ee aanu xalin kariweyno” ayuu yidhi markale Haashim Maxamed Xasan.
Isla su’aashaasi waxaa isaguna dhiniciisa ka jawaabay Mr Nelson waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin inay xalin doonaan wixii cillad ah ee ku yimaada barnaamijka wada shaqaynta ah ee ay la galeen shirkadda Somtel.
Dhanka kalana waxaanu waydiinay Gudoomiye ku xigeenka shirkadda Google Mr Nelson inay ka shirkad ahaan doonayaan inay isku garab eryaan Somtel iyo Telesom maadaama ay labada shirkadoodba ku dhawaaqeen inay si gaara heshiis ula galeen Googel.
“shirkada Somtel waa shirkaddii ugu horeysay ee heshiiskan la gashay Google balse waxaa laga yaabaa inay cidkale iska sheegataba ha sheegatee arrintaa waa la ogyahay inay Somtel ahayd shirkaddii ugu horeyay ee addgga Google keentay Somaliland” ayuu yidhi maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi. TVSLE