tvsle.com
Tuesday, 10 July 2012
Jaamacadda Camuud oo Bilaabaysa Waxbarashada Sare ee Master Digree iyo
Boorame (TVSLE)- Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame ayaa maanta shaacisay inay sanad jaamacadeedkan 2012/2013 bilaabayso waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD-ga.

Xaflad lagu soo bandhigay qorshaha cusub ee jaamacadda Cammuud ku bilaabayso waxbarashada Heerka sare oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada wasaaradaha waxbaeashada, caafimaadka ,cadaaladda iyo Beeraha.

Gudoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo xafladaasi kaga dhawaaqay qaybaha cusub ee waxbrashada tacliinta sare ee jaamacadu soo kordhisay ee ah Master Digrii iyo PHD, waxuuna ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacaddu soo martay mudadii sadex iyo Tobanka sanadood ahayd ee ay Jirtay, isagoo sidoo kalena madashaasi ka xusay in kordhinta qaybahan cusub ee waxbarashada sare ay ku dhiirrigeliyeen Jaamacado kale iyo xukuumadda Somaliland.

Prof Saleebaan Axmed Guuleed waxuu sheegay in sanadkan gudihiisa ay bilaabayaan labadan qaybood ee ku soo kordhay waxbarashadii jaamacaddu bixin jirtay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xukuumad ahaan ay ku gacan siin doonaan Maamulka Jaamacadda hirgelinta qorshaha cusub ee waxbarasho.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa isla munaasabadaas waxuu ka sheegay in wasaaradda cadaaladu ay qaadan doonto afartan ka mid ah ardada ka qalin jebinaysa sanadkan kuliyadda sharciga ee kaamacadda cammuud isla markaana ay ka hawlgelin doonaan qaybaha garsoorka iyo cadaaladda ee wasaaradda.

Wasiirada wasaaradaha Caafimaadka Dr Xuseen Muxumud maxamuud ( Xoog) iyo wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa hadalo ay halkaa ka jeediyeen waxa ay ku sheegeen inay wasaaradahoodu kaalin mug leh ka qaadan doonaan mustaqbalka dhow sidii ay isu barbar taagi lahaayeen jaamacadda gaar ahaan kuliyadaha beeraha iyo caafimaadka ee jaamacadda Cammuud.

Sh cabdilaahi Sh Cali jawhar oo ah sheekhul Beledka magaalada Boorame ayaa isna munaasabadaasi ka soo jeediyey in dadka haysta shahaadooyinka aqooneed ee tacliinta sare lagu tixgeliyo sida ay uga soo bixi karaan mas抲uliyadda shaqaalanimo isla markaana aan loo eegin qaab degmo ama gobol.
TVSLE
published on Tuesday, 10 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube