tvsle.com
Tuesday, 10 July 2012
Dakhligii Kastamka Boorama oo sadex jibaarmay iyo Wasiir Samaale Oo Bo
Kalabaydh(TVSLE)- Dakhliga Kastamka Boorama ee wasaaradda Maaliyadda ayaa afartii cisho ee ka danbeeyay Isbedelkii lagu sameeyay Maamulka Kastamkaasi waxa soo baxaya Dakhli sadex Jibaar ka badan kii laga soo xarayn jiray.

Sida ay Xogaha Kastamkaas ka soo baxayaa Waaheen u sheegeena waxa uu Dakhligii Maamulkii hore ee Xilka laga wareejiyay maalintii ugu danbaysay ahaa Sadex iyo Toban Milyan taasoo ku beegnayd, Khamiistii ina dhaaftay oo bishu ahayd 5/6/2012-ka hase ahaatee Afartii cisho eek a danbaysay waxa uu gaadhay laba jibaaar.

Tusaale ahaana 6/6/2012-ka oo ahayd maalintii ku xigtay waxa uu gaadhay sagaal iyo toban Milyan oo waxa soo baxay Toddoba Milyan oo dheeraad ah. 7/7/2012-kana waxa soo baxday Labaatan Milyan iyo dheeraad, 8/7/2012-ka waxa soo baxday sadex iyo labaatan Milyan, halka maanta oo ay bishu tahay sagaal Dakhligii soo baxay uu ka noqday soddon Milyan oo Shilling Somaliland ah.

Dakhliga dheeraadka ah ee soo baxay Afartaas cisho waxa uu gaadhayaa laba jibaar ama halkii uu ka ahaa sadex iyo tobanka Milyan waxa uu marayaa sodon Milyan, waxaana soo baxay farqi dhan toddoba iyo toban Milyan oo Dakhli ah, taasoo u dhiganta laba kun iyo shan boqol oo Dollar maalintii.

Dhinaca kalena Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa intii uu Isbedelka ku sameeyay Kastamada markii ugu horaysay shalay booqday Kastamka Qaadka ee Kalabaydh, kaasoo shalay Dakhliga ka soo baxay ahaa Sadex boqol iyo Sadex iyo Lixdan Milyan, halka uu ka ahaa markii Maamulka cusub xilka loo dhiibay Laba boqol iyo kon Milyan, taasoo faraqa soo baxay ee dheeraadka ah ka dhigaysa maalintii inuu soo baxo Dakhli dhan Boqol Milyan oo shilling Somaliland ah oo u dhiganta Afar iyo toban kun oo Doolar.

Mudadii uu Wasiir Samaale joogay Kastamka oo aanu booqanay barta lagu Miisaamo Qaadka ayaa waxa taagnaa Gaadiid kala duwan oo nooca Jaadka ka soo waarida Itoobiya iyo kuwa lagu soo wareejiyo ee gudaha Somaliland iskaga kala goosha, waxaanad arkaysay iyadoo shaqaalaha Miisaanka hayay iyo kuwa kala tirsanayay midba gaarkiisa ugu mashquulsanaa tirinta Baagaga la Misaamayay, halka Qasnajiga Kastamka iyo Xisaabiyayaashuna Lacagta ka tirsanayeen.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Kastamka oo Waaheen wax ka weydiiyay Isbedelka la taaban karo ee Kastamka ku soo kordhay mudadii Maamulka cusub loo dhiibay ayaa ku jawaabay “ Madaxdu Xuquuq iyo waajibaad bay leedahay, Cashuurtuna Ilaalin bay leedahay, shaqaaluhuna Daryeel buu leeyahay, hadaan intaasi isla jaan-qaadina cadaaladu sugmi mayso, markaa waa in dhinac kasta laga qiimeeyaa sadexdaas arrimood oo bud-dhig u ah Dakhliga in la kordhiyo” ayuu qofkaasi yidhi.

Dhinaca kale, Goobaha Dakhli Ururinta Kalabaydh iyo Abaarso oo ku yaala Tuulooyin aad u camirnaan jiray mudadii ka horeysay Maamulka cusub oo aanu booqanay ayaa u muuqday kuwo Haawanaya oo aanu ka jirin wax xarakaad ah oo wax lagu kala Iibsnayay. Hooyo ka mid ah dadka Meheradaha yar yar ee Shaaha iyo Dukaanada ah ku haysata Kastamka Kalabaydh hortiisa ayaa mar aanu Shaah ka cabaynay Waaheen ku tidhi “ cashuurta in la Ururiyaa oo la xareeyaa waa Waajib , laakiin anaga Meheradahayagii yar yaraa ee aanu quutal darruuriga kala soo bixi jirnay ee aanu ku noolayn ee ay shaqaalaha Kastamka iyo Qaadlayaasha Shaaha ka cabi jireen way xidhmeen oo kama helno Nolo maalmeedka, taasna waxa noogu wacan codkayagii” ayay tidhi Hooyadaasi.
TVSLE
published on Tuesday, 10 July 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube