Carwadda Shanaad ee Caalamiga ah ee Buugaagta oo maanta si rasmi ah Ha
Hargeysa(TVSLE) Carwadii shanaad ee Buugaagta ee Heer Caalami ah ayaa maanta si rasmi ah uga furantay magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay dadweyne badan, iyadoo Carwadan ay ka soo xaadireen Aqoonyhan, Suugaanyahano, Qoraayo iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo ka soo kicitimay Daafaha Dunida.
Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland Cli Siciisd Raygal oo xafladaas furay ayaa si diiran u soo dhaweeyay Bahda Carwadaasi oo ay gadhwadeen ka yihiin Jaamac MJuuse Jaamac iyo Ayaan Cashuur
Aad iyo aad baan si kal iyo lab ah ugu soo dhaweynayaa Somaliland madashan quruxda Badan ee ay inoogu soo bandhigeen Buugaag runtii markaan soo galayay aan isha ku soo dhufty oo isugu jiray kuwo sheekooyin ah, kuwo taariikh ah iyo kuwo aqoon badani ku duugan tahayba, dhamaan buugaagtaasi waxa qoray aqoonyahano reer Somaliland ah, waxaanan leeyahay waa in tacabka intaa leeg ee la galiyay buugaagtaasi laga faa’iidaystaa” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal
Qoraa Jaaamac Muuse Jaamac, ayaa warbixin ka bixiyay Carwada Buugaagta, waxaanu ku dheeraaday heerarkii ay soo mareen mudadii shanta sano ahayd, isagoo gaarv ahaan u xusay Maktabada Wareegta oo ay sanadkan min Boorama ilaa Ceerigaabo geeyeen.
Jaamac Muuse Jaamac waxa uu si farxad leh ugu soo dhaweeyay Carwadan dad badan oo ka yimi dalalka Yurub, Maraykanka, Ruushka, Carabta iyo Tlayaaniga, kuwaasoo sanadkan uu sheegay inay kala qayb qaadanayaan barnaamijkan isagoo xusay inay mudada lixda cisho ah ka jeedin doonaan mawduucyo kala duwan oo ay ugu talagaleen inay dhalinyarada iyo Bulshaduba ka faa’iidaysan doonaan.
“ sanadkan, waxaanu doonaynaa in aad looga faa’iidaysto oo ay ka soo baxaan halkaynu k animi, halkaynu joognaa iyo halkaynu u soconaa, waa fursad muhiim ah oo dhalinyarada Somaliland loo baahan yahay inay ka fikiraan, gaar ahaana sidii looga bixi lahaa Aqoon-darada iyo Qabyaaladda” ayuu yidhi
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka hadlay bandhigaasi ayaa sheegay inaan la khasaarinin tacabka Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Cashuur isagoo ku booriyay dadweynihii ka soo qayb galay inaanay meesha u iman sheeko baralaye wax laga manaafacaadsado oo lagu camal falo. TVSLE