tvsle.com
Tuesday, 31 July 2012
War murtiyeed uu soo saaray siyaasiga Cali Maxamed Warancadde
War murtiyeed uu soo saaray siyaasiga Cali Maxamed Warancadde

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

WAR MURTIYEED

SHIEKH SHARIF OO SI QALDAN UGA FAAIIDAYSANAYA

SHIRKII DHEX MARAY SOMALILAND IYo SOMALIYA

Wuxuu si cad ugu faafiyey dunida sheikh shariif in wadahadaladii dhexmaray somaliland iyo somalia Nuxurkoodu yahay in dib loo mideeyo labada Dal, arrintan oo ka horimaneysa warkii aynu ka helay Madaxdii inooga qayb gashay shirarkii ina dhex maray inaga iyo somalia. oo isna nuxurkiisu ahaa sidii loo noqon lahaa laba dal oo kala madaxbanaan.

Arintan oo khatar ku ah geedi socodkii somaliland ku raadineysay Ictiraafka muddo ka badan labaatan sanno, waxay keeni kartaa in caalamku rumeysto warka uu fidinayo sheikh shariif, oo loo qaato in aynu dib isugu dhiibayno koonfur, iyo hoygii halaagu hore inooga soo maray. sidaana ay mugdi ku gasho Himiladii ummada reer somaliland raadineysay.

Waxaa cadaan ah in uu waraaqo u kala diray Caalamka uu ugu sheegayo in uu ku guulaystay in uu ku qanciyo

Reer Somaliland in marlabaad uu somaliland ku soo celiyo midnimadii , isagoo dhinaca kalana ugu faa-iideysanaya Olalihiisa siyaasadeed ee uu halganka ugu jiro in marlabaad uu ku soo noqdo Kursiga Madaxtinimada somalia, isagoo olalihiisa gundhig uga dhigaya mar haduu ku guulaystay in somaliland ku soo celinayo xerada Midnimada, inuu xaq u leeyahay inuu marlabaad kursiga ku soo noqdo si uu arrintaasi u dhamays tiro.

waxaa u dambeeyey waraaqaha uu caalamka u diray, mid dhawaan u diray Gudoomiyaha Jaamacadda Carabta oo uu uga waramayo guusha uu ka gaadhay wadahadaladii dhex maray somaliland iyo somalia, kuna qanciyey in guushii Midnamada somalia iyo somaliland ay irrida taagan tahay , taasi oo keentay in Gudoomiyaha Jaamacadda Carabtu si lama filaan ah uu ugu dhawaaqo inuu ka degi doono Moqdisha dhawaan, si uu u soo hambalyeeyo Guusha uu sheikh shariif uu ka soo hooyey wada hadaladii dhex maray smaliland iyo somalia, oo sida aan filayo u muuqata wabixin been abuur ah oo sheikh shariif ka faafinayo wada hadaladii dhex maray labada dal .

Anigoo filayaa didmadii , iyo shakigii uu ku muujiyey Wasiirka Arrimaha dibadda ee somaliland war saxaafadeedkiisi u dambeeyey ee uu ku cadeeyey inay hakad galinayaan wada hadaladii u socday somaliland iyo somalia, in uu salka ku hayo warbixinaha khatarta ah ee sheikh shariif dunidda ku faafinayo,

waxaan jeclahay in aan u soo jeediyo Dowladda somaliland in ay caalamka iyo ummadda reer somalilandba u muujiso in sheikh shariif ka been abuurayo wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somalia, si aanu shaki u kala dhex gelin Somaliland iyo bulshada Caalamka , isla markaana aan ummadda reer somaliland iyo Dowladda aanu shaki kala dhex dhigin hadalkiisaasu.



ALLAA MAHAD LEH

ALI MAHAMED WARANADE


published on Tuesday, 31 July 2012
Source: qarannews
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube