tvsle.com
Friday, 3 August 2012
Faallo: Sheekh Shariif Waxaa Sugaya Tartan Ka Culus kii 2009kii Jabuut
Faallo: Sheekh Shariif Waxaa Sugaya Tartan Ka Culus
kii 2009kii Jabuuti Waxaa la Loolamaya Aqoonyahano
iyo Siyaasiyiin Miisan Culus

Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomalaiya laguna soo
doortay Shirkii Jabuuti Horaantii 2009ka waxaa sugaya
Bishaan Tartan Ka miisan Culus kii Hire waxaana la
loolamaya Siyaasiyiin iyo aqoonyahano misaan Culus
leh iyadoo tartankani uu ka xiiso iyo xamaasad Badan
yahay kuwii ka horeeyay ee |Dalka dibadiisa lagu
qaban jiray.

Hadaba, Madaxweynaha Dowladda KMG sheekh SHariif
sheekh Axmed Muuse Maka Dabaalan doona Culeyska iyo
Saaneynta ay ku leeyihiin Doorashada Raga loolanka
kula jira oo ka mug weyn kuwii 2009 ay Fooda isku
dareen Jabuuti?

Aqoonayahano aan Sanooyinkii ugu dambeeyay aan ka
bixin muqdisho iyo siyaasiyiin Ruug cadaa ah iyo
waliba Aqoonyahano dibada magac weyn ku leh ayaa
gambar Gaaban ugu fadhiya Doorashdaan inay Noqdaan
Madaxweynaha Soomaaliya halka sheekh shariif sheekh
axmed uu isna dadaal weyn ugu jiro inuu noqdo
Madaxweynihii ugu Horeeyay ee difaacda doorashada
madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba, waxaa la isweydiinayaa Yaa noqon doona
Madaxweynaha Soomaaliya Ma shariif |Sheekh Axmed oo
mudadii uu Xilka hayay wayaabo badan ay u qabsoomeen
kuwana ay qabyo ka yihiin mise Waji cusub oo ku soo
baxa Doorashadaan la wada sugayo ee 20ka ogosto 2012
kana dhucu doonta Magaalada Muqdisho ee Caasimada
Soomaaliya.

Wax ka baro Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Magaca
leh ee Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh
Shariif Sheekh Axmed uu kala dhaxeeyo loolanka
Madaxtinimada Soomalaiya kuwooda ugu caansan.

Danjire Cabdulaahi Axmed Cadoow

Maxamed cabdulaahi Farmaajo

Axmed ismaaciil Samatar

Maxamed Maxamuud Guuleed’ Gacmo dheere’

Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

Cabdiraxmaan cabdishakuur warsame

Cabdiraxmaan Macalin Maxamed’ Baadiyoow’

Xasan Sheekh Maxamuud ‘ Xasan Simad’

ING.cabdikariin Jiiroow Sharmaarke

Cumar Salaad Cilmi

Maslax Maxamed Siyaad Bare

Jen.Cismaan Faalko

Cali Maxamed Geedi

Shariif Xasan sheekh Aadan

Jen.maxamed Nuur Galaal

Yasiin Maaxi Macalin

Khaliif xaaji Axmed

Cabdulaahi Sheekh Xasan

Cabdi Maxamed Axmed.

Musharaxa ku Guuleysta Doorashada soo socota waxaa
loo qaadi doonaa Heesta wadaniga ah ee la magac
Baxday Nin Xil Xil qaaday eed Qaad marka Natiijada
Doorashada lagu dhawaaqo heestaasi waxaa ay
Maskaxdiisa ka soo maaxatay Alaha u naxariistee
Abwaankii Kooxdii Danan ee Ururkii dhalinyarada
Kacaanka Soomaaliyeed Ismaaciil Xirsi Farxaan waxaana
ku luqeeya Cabdi cali baacalwaan iyo Xareedo
Ismaaciil Duniya
published on Friday, 3 August 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube