tvsle.com
Friday, 3 August 2012
Saami ay Beelaha Waqoyiga Somalia Ka Heleen Baarlamaanka Dawlada Cusub
Saami ay Beelaha Waqooyiga Somalia Ka Heleen
Baarlamaanka Dawlada Cusub ee Xamar Laga Dhisayo

Muqdisho (TVSLE) - Beelaha Somaliland oo
madaxbanaanidii qarankooda kala soo noqday dalka
Somaliya sannadkii 1991, ayaa kooxo magacooda ku
qadhaabta oo uu sharciga Somaliland jideeyay in lagu
qaado dambi ah khiyaamo qaran, waxa ay mar kale
umadda u soo hooyeen ceeb la xidhiidha saami qaybsiga
Baarlamaanka Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Muqdisho ee
caasimadda dalka Somaliya ka socday olole ay kooxo
siyaasiyiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland
balse diidan aayo ka tashiga umaddooda, ay ku
qaybsanayeen kuraasi ay dawladda Somaliya u
qorshaysay inay Baarlamaankooda ka helaan Beelaha
Somaliland. Markase loo eego saami qaybsiga, waxa ay
kooxahaasi beelaha Somaliland u soo qaadeen saami u
dhigma cad quudheed.

Tusaale ahaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya oo ay
tiradiisu noqon doonto 275 kursi, waxa ay Beelaha
Isaaq ka heleen 28 Xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba
toban (10.18%), halka ay Beelaha Dhulbahanate ka
heleen 8 xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba saddex
(2.90%), Beelaha Samaroon ayaa iyaguna helay 9
xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba saddex (3.20%),
Beelaha Warsengeli ayaa iyaguna helay 6 xildhibaan oo
u dhigma boqolkiiba laba (2.18%) , halka ay Beelaha
Ciise ka heleen 8 xildhibaan oo u dhigma boqolkiiba
saddex (2.90%).

Geeska Afrika umay suurtogelin inuu helo sida ay
dhammaan beelaha Somaliland jilib jilib ugu sii kala
qaybsadeen saamigan ay ka heleen Baarlamaanka dalka
Somaliya, waxase u suurtogashay inuu helo qaabka ay
Beelaha Isaaq u kala qaybsadeen, waxaanay kala
yihiin:

Habarjeclo: 6
Subeer-awal: 6
Arab: 5
Garxajis: 10
Toljecle: 1

Saami qaybsiga ay Beelaha Isaaq tiradan ku heleen,
waxay ku timid qaabka ay Somaliya wax u qaybsato ee
ah 4.5 oo ay ku tirsanyihiin waxa loogu yeedho Beesha
DIR oo guud ahaan isku helay 61 kursi taas oo
noqonaysa inay Beelaha Isaaq saamiga DIR ka heleen
wax ka yar kala badh oo ah 28 kursi. Waxaana halkaas
ka cad in ka sokow saamiga guud ee Baarlamaanka
Somaliya ay haddana kooxahaas ku qadhaabanaya magaca
Beelaha Isaaq cad quudheed ka qaateen waxa ay u
yaqaanaan DIR.

Guud ahaan marka la isku daro waxa ay Beelaha
Somaliland Baarlamaanka Somaliya ee ka kooban 275
kursi ka heleen saamiga ah 59 kursi, waxaana halkaas
ka cad inuu yahay in ka yar boqolkiiba 21 iyo badh
(21.36%), waxaanu saami qaybsigani farriin cad u
dirayaa cid kasta oo reer Somaliland ah oo uu hunguri
ka hayo midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo
Somaliya.
published on Friday, 3 August 2012
Source: geeska
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube