Burco(TVSLE)- Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka Cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta dhagax-dhigay madaarka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo dhawaan oo dayactirkiisa la bilaabay.
Dhagax-dhigan wasiirka duulista hawadda ee madaarka Burco ayaa waxa barbarsocotay banana-bax lagag soo horjeedo wasiirka oo ay samaynayeen dadkii danyarta ahaa ee uu ka raray madaarka Burco kuwaasi oo ku eedaynaayay in uu danyartiina Cagaf galiyay dadka kuwii lacagta haystayna ee madaarka degenaana iska dhaafay ,arintaasi oo ah cadaalad daro hor leh. Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaayay hawsha dhismaha madaarka Burco ayaa qiray cabashooyinka ka dhanka ah ee lagala horyimi.”
Wasiirka Duulista oo ka hadlay dhagax-dhigii madaarka Burco wuxuu yidhi “ Ilaahay mahadii weeye mar haddii aanu maanta iskugu nimi dhismihii madaarka Burco ,dhagaxdhigana ma noqondoono mid lagu maaweeliyo bulshada reer Burco ,sidaa awgeed waxaan qorshe loo dhigini ma taabo galaan ,mashruucanina waxa uu ka koobnaan doonaa afar qaybood oo kala duwan ,qaybta u horeysaana waxa weeye in aynu manta fayskii u horeeyay ee madaarka samayno waxaanu dayr iyo siliig ku wareejindoonaa xadka uu madaarku leeyahay waxaanu ku baxaysa mashruucan lacag ku dhaw Shan Boqol Oo Kun Oo Doolar sidaa awgeed qayb ka mid ah Xukuumadda ayaa bixinaysa qaybta kale-na qaadhaan ayaanu ku soo ururin-doonaa.”
Md. Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Way jiraan dad cabanayaa oo agtayda joogaa waayo dadkii danyarta ahaa ee madaarka degenaa waanu duminay dhismayaashoodii oo jiingado iyo aqalo yar yar ayay u badnaayeen ,kuwa hadhay ee dhismayaasha waaweyn leh-na qorshe ayaanu u samayn-doonaa oo mar kale ayaanu hawshooda galidoonaa.”
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Maayirka Degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab( iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo wasiirka wehelinaayay.
Wasiirka ayaa markii danbe kormeer ku tagay wadada isku xidhidoonta magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee dhismaheedu socdo. TVSLE