Wasaarada Xannaanada S/land oo Maxjarada Al-jaabiri iyo Indha-deero ku
Hargeysa(TVSLE)- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa soo saartay Wareegto ay Khidmadihii Maxjarada Al-jaabiri iyo Indha-deero ka qaadi jireen Xoolaha Dekedda Berbera ka dhoofa.
Xukuumaddu wareegtada ay soo saartay waxa ay labada shirkadood kaga dhintay khidmadihii ay qaadan jireen Neefka Adhiga ah $1.5, halka ay Neefka Geella ah ama Lo抎a ahna ay kaga jartay $4.5, taasoo ka dhigan Halkii ay shirkadduhu calaa Neefka Adhiga ah ka qaadi jireen $5 inay imika qaadanayaan $ 4, taasoo qiimaha ay Xukuumaddu Neefkii ku yeelanaysaa uu noqonayo $1.5 halka ay awal ka qaadan jirtay Nus Dollar kaliya.
Sidoo kale Wareegtada Xukuumaddu waxa ay ka dhigtay Geella iyo Lo抎a halka ay labada shirkadood ka qaadi jireen $18 inay imika qaataan calaa Neefkii Lo抎a ahaa ama Geella $15, taasoo ka dhigaysa inay Xukuumadda u jaraan $4 calaa Neef, taasoo ka dhigaysa khidmadda ay Xukuumaddu calaa Neefkii ka qaadanayso $4.5. halka ay awal ka qaadan jirtay Calaa Neef $1.5.
Wareegtada Xukuumaddu inkasta oo aanay waxba ka bedelin Qiimihii hore ee ay Xukuumadda iyo Maxjaradu ka qaadi jireen Xoolaha ee kala ahayd Adhiga $5.5, Geella iyo Lo抎ana ay ahayd $19.5, hadana waxa jira Guux badan oo ka dhashay Arrintan oo u dhaxeeya Xukuumadda, Maxjarada iyo Ganacsatada.
Guuxa ugu weyni waxa uu ka dhex jiraa Xukuumadda iyo Maxjarada oo halkii ay Maxjaradu Neefka Adhiga ah ka heli jireen $ 5 waxa aya Xukuumaddu ka jartay $ 1. Halkii ay Neefka Geella ama Lo抎a ah ka heli jireen $18 waxa ay Xukuumaddu ka jartay $4. Labada lacagayow ee ay Xukuumaddu ka jartay Maxjarada waxa u sii dheer cashuurtii ay marka horeba ka qaadi jirtay Maxjarada oo tusaale ahaan Neefka Lo抎a ama Geella ah waxay kale oo ay ka sii jaraysaa $ 5 oo cashuur ah. Taasoo ka dhigaysa Maxjarku inuu Neefkii Lo抎a ahaa ama Geella ay u soo hadho $10.
Dhinaca kalena Digreetadan oo ay Xukuumaddu u qabatay inay Maxjaradu dhaqan geliyaan waxa ay saamayn kale ku yeelanaysaa Ganacsatada oo iyaguna shaki kale ka qaba dhaqan galkeeda wallow aanay iyga wax qiime ah ku kordhinin. Taasoo ah inay ka cabsi qabaan inuu khilaaf ka dhex qarxo Xukuumadda iyo Maxjarada oo sababi kara in ay istaagto shaqadii Maxjarada maadaama Xoolo badani u diyaar yihiin inay Dhoofaan.
Xukuumadda Somaliland oo labada Shirkadoodba kula jirta Heshiisyo gaadhaya midkiiba dhawr iyo labaatan sanadood oo ah in ay shirkadduhu kala baxaan kharashkii ay galiyeen Maxjarada dhismayaashooda iyo Macaashka ay u galeen ayaan la garanayn waxa ay maanta kala mudan doonaan iyaga iyo Xukuumaddu, maadaama dhaqan galka Digreetadani ku taariikhaysan tahay manta oo ay taariikhdu tahay 4/8/2012 ka sida ka muuqata qoraalka Digreetada oo loo kala diray masuuliyiinta Shirkadahaasi, kaasoo ay Waaheen Nuqul ka mid ah aragtay.
Digreetaddu waxay Amraysaa labada shirkaddoodba inay isla maantaba si toos ah ay lacagahaas ugu shubaan Wasaaradda Maaliyadda, hase yeeshee sida ay wararkii ugu danbeeyay ee xalay naga soo gaadhayay Dekedda Berbera sheegayaan waxa ay Xukuumaddu xanibtay Xoolihii dhoofi lahaa xalay ee ay Ganacsataddu kala ordaysay Wareegtadda Xukuumadda ee maanta dhaqan galaysa.
Sida uu ku soo waramayo wariyahayaga Berbera waxa xalay hor tubnaa Dekeddda Berbera iyo Maxjarada Xoolaha lagu baadho kumanaan Neef oo Xoolo ah, kuwaasoo ay masuuliyiinta Dekeddu siyaabo aan toos ahayn u xanibeen inay Dekedda uga dhoofaan.
Si kasta ha ahaayee wakhtigan oo ah xilliga Xoolaha ugu badani Somaliland ka dhoofaan Xukuumadduna ka hesho Dakhliga ugu badan ayaa hadaan maaro loo helin Dalku khatar ugu jiraa inay talaabadan xukuumaddu go抋ansatay iyadoo aanu jirin Heshiis u dhaxeeya iyada iyo Maxajaradu uu keeni karo in Xooluhu istaagaan ama meelo kale loo leexiyo, taasoo keensan karta in laba gacmood dhexdood uu ka baxo Dakhligaasi. TVSLE