tvsle.com
Monday, 6 August 2012
Xabsiga Mandheera oo laga sii daayay Maxaabiis si hoose loo kala Iibsa
Berbera (TVSLE)- Wasiirka Cadaaladda iyo Taliyaha Ciidamadda Asluubta Somaliland ayaa u caal waayay siddii ay u Maarayn Lahaayeen Maxaabiis Tiro ahaan Gaadhaya 4 Afar Maxbuus oo uu Iibsaday Taliyaha Jeelka weyn ee Mandheera Muse Abokor Qoorsheel iyo Hogaanka Xafiiska Ciidanku , maxabistani la sheegay inay Yihiin Xadhig dheerayaal.

Arrintani ayaa sababtay in Xilkii Laga qaado Taliye Ku xigeenkii Xabsiga Mandheera Siciid Cawaale oo isagu Ka Mid ahaa Saraakiisha Kasoo Hor-jeestay in Maxaabiistani La sii daayo Waxaanay Arrintani Noqonaysaa Markii Ugu Horaysay ee Maxaabiis aan Cafis Madaxweyne Ku Bixin Isla Markaasna Xadhigoodu lahayn Iib laga sii dayay Xabsiyadda Somaliland .

Sidoo kale Siciid Cawaale waxa uu dhawaan Xabsiga Mandheera ku xidhay Hawl wadeen ka socday Hay抋dda Caritas oo, kaasoo Wasaaradda Cadaaladda kala shaqaynayay Mashruuc ku kacaya Boqol kun oo Doolar oo wax lagaga qabanayo Nadaafadda iyo Biyaha Xabsiga Mandheera oo ay dhibaato badan ka tirsadaan Maxaabiistu.

Taliyaha Xabsiga Mandheera Muse Abokor Qorsheel iyo Taliyaha Ciidamadda Asluubta ayaa Ku Hawlan siddii ay Maxaabiista Lasii Dayay Markale Suuqyadda Magaalooyinka Burco iyo Hargaysa uga soo qabqaban lahaayeen maadama aan Sharci Lagu sii dayn.

Sida ay wararku sheegayaana Taliyaha Xabsisga Mandheera waxa ku socota kiiskan dartii Maxkamadd Ciidan, taasoo la filayo inay si dhakhso ah talaabo uga qaado falkaas lagu sii daayay Maxaabiistaasi.

Mid ka mid ah Maxaabiista la iibsaday laganna Qaaday lacag dhan 1400 $ ayaa sidda la sheegayo wali Ku xidhan Xabsiga dhexe ee Magaaladda Mandheera iyaddoo la filayo in lasiidaayo maalmaha soo socda.

Somaliland ayaa Dhawaan Saxeexday Heshiiska Iswaydaarsiga Maxaabiista kuwaasi oo ay Xabsiyadda Dalka Ku Jiraan Maxaabiis Budhcad Badeed ah kuwaasi oo haatan u hanqal taagaya inay iibsadaan Xadhiga Lagu Xukumay Maadaama Maxaabiis kale oo xadhig dheerayaal ahi iibsadeen Xadhigoodii.

Warkan uu Wariyaha Madaxa banaan waaheen u soo diray waxa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Bahda Cadaaladda oo Wargeysku wax ka weydiiyay jiritaankiisa, hase yeeshee Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaa Telefoonkiisa gacanta naga qaban waayay.
Ahmed Ali qolqol
Freelance journalist
Ahmed_qolqol@hotmail.com
published on Monday, 6 August 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube