tvsle.com
Tuesday, 7 August 2012
Xukuumadda oo Guddi u saartay Xaalufka lagu hayo Iskaraabka
Hargeysa (TVSLE)– Magaalooyinka dalka ayaa waxa gabaabsi ku ah biraha loo yaqaano Iskaraabka sida gaadiidka duugooba ee laga maarmo iyo inta badan birihii loo yaqaanay xadiidka ee ay daawayaasha iyo qalabka kale ka farsamayn jireen Tumaalayaashu.

Biraha iskaraabka oo tan iyo markii dalka dib loogu soo laabtay ay dibada dalka uga saaraan dad ajaanib ah oo gacan ka helaya muwaadiniinta qaarkood oo ku mamay inay urursadaan wixii iskaraab ah, ayaa hadda ay adag tahay sida loo helaa, waxaana jira meelo Magaalooyinka dalka ka furan kiilooyo loogu kala iibsado.

Biraha Iskaraabka oo nooc walba leh isla-markaana ay ku jiraan xitaa qasaacadaha lagu keeno Kaluunka iyo Tamaadho Qasaacda ayaa waxa loo dhoofiyaa dalka Itoobiya, waxaana jira dad faro badan oo maalin iyo habeenba ku foogan ururinta birahaasi, kuwaasi oo marka ay iibinayaan loo miisaamo oo kilo walba lacag laga siisto, waxaanad mar walba suuqa iyo xaafadaha Magaaladda ku dhex arkaysaa dhalinyaro aad u yaryar oo sita baco ay ka buuxaan birahaasi.

Sidoo kale, waxyaabaha khatarta ku jira ee ka midka ah waxyaabaha dalka sida sharci darada ah looga dhoofiyo xadhkaha laydhka, iyadda oo xitaa xaaladoodu mar gaadhay in habeenkii la goosto, ilaa ciidamada boolisku dad u xidh-xidheen.

Waxa jira gaadiid badan oo iyagga oo iskaraab xambaarsan dalka uga baxa dhanka dalka Itoobiya oo birahan dib loogu farsameeyo, lagana sameeyo alaabooyin muhiim u ah dalkaasi isla- markaana qaarkood Somaliland dib loogu iib-keeno.

Gurashada sharci darada ah ee Iskaraabka ayaa waxay gaadhay gobolada dalka qaarkood iyo meelaha baadiyaha ah, waxaana jira in dhawaan Magaaladda Saylac lagu xidhay saddex nin oo ciidamo milatari ahi ku qabteen iyagga oo furfuranaya laba Kaare oo yaala duleedka Saylac, kuwaasi oo iskaraab ahaan u yaalay halkaasi isla-markaana la doonayey in dib loo kiciyo ama wixii ka sii shaqeynaya lagu dayactiro kaarayaasha ciidamada ee hadda shaqeeya, saddexdaa nin oo markii dambe la sheegay inay sabab aan la garanayn u siidaayeen saraakiil ka tirsan booliska Gobolka Salal.

Gurashada iskaraabka oo sanadkii u danbeeyay aad u soo korodhay ayaa la sheegay inay jiraan masuuliyiin dawlada ka mid ah ku lug leh isla-markaana xidhiidh la leh iskaashatooyin ka shaqeeya iskaraabka, kuwaasi oo hadba qofka loo soo xidho gurashada iskaraabka ka hawl-galla sidii loo siidayn lahaa.

Sidoo kale, waxa ka jira iskaraab faro badan oo xayn-daabyada hay’addaha dawlada qaarkood lagu ururiyey, kuwaasi oo qaabka loo tuulay u eg-yihiin sidii iskaraab loo diyaariyey in loo daabulo dalka dibadiisa, kaasi oo dad badan shaki ka muujiyeen, waxaana hay’adaha ay iskaraabkaasi dhex tuulan yihiin ka mid ah hay’adda korontada dawlada.

Biraha loo yaqaano iskaraabka ayaa gurashadooda waxa aan ilaa hadda ka hadal isla-markaana aan uga digin dadka ajaanibka iyo Muwaadiniinta isugu jira ee dalka ka xaalufiyey wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta oo waajib ka saaran yahay, balse Wasiirka Wasaaradaasi Md Axmed Cabdi Xaabsade oo Wargeyska Waaheen waydiiyey waxa ka og-yihiin gurashada iskaraabka iyo sababta ay wax uga qaban la’yihiin sheegay in wasaaradu guddi u saartay sidii arintaasi hoos loogu eegi lahaa.

Xukuumadda Somaliland haddii aanay xil iska saarin joojinta xaalufka lagu hayo Iskaraabka maalin aan fogeyn waxa la waayo doonaa wax bir ah oo laga sameeyo birqaab ama halqabanka daawaha Canjeerada (Loxooxda) lagu dubo.
TVSLE
published on Tuesday, 7 August 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube