“Saddexda qodob ee ugu wayni waxay ahayd arimo qabyo sharci, dhaqaalaha oo qabyo naga ahaa iyo qaybta seddexaad ee doora shada ku xidhan oo ah farsamada iyo hawl galka doorashada shaqaalaynta hanoqoto ama agabka doorasha, labada ugu wayne nahortaagan waxay ahayeen dhaqaalaha iyo sharciyada qaybtii dhaqaalaha qaybtii dhaqaalaha ee aanu ka codsanay xukuumada iyo deeq bixiye yaasha labadaba xukuumadu intii kaga jirtay bajatka sankan 2012 way noosoo shubtay deeq bixiyaashiina balan qaadkii waanu ka haynaa ay balan qaadeen wixii kusoo kordhay kharashkii doorasha
Markii laga soo guuray liistadii xidhnay oo ay markii hore balan qaadeen inta uu qarash keedu noqonayo markii danbe loo guuray tiradii namber-ka in qofka lagu doorto aanu ku qiimaynay ayey iyaguna nala qaateen wixii kharash kasoo kordhay oo ay yidhaahdeen waxaanu soo shubaynaa maka uu sharciyaad kiinu idiin dhamays tirmo,
sidaad ka war qabtaan madax waynuhu wuxuu ku soo celiyey Golaha Guurtida iyo baarlamanka labadaba xeer no:20 qodobkii sumada aanu anaku ku soo codsanay in lagu isticmaalo lambar halka ay sumad ka tahay qodobkaasuu madax waynuhu dibnoogu soo celiyey,
waxaanu leenahay komishanka doorashooyinka qaranku isagaa loo igmaday qaabka farsamo ee ay ku suurto galayso doorashadu Gole kale looma igman sharciyadbaa nagaga xidhan sharciyadii qaabkii ay ku suurto galaysay qadarka nafteena iyo waxaynu kari karno iyo waxaynaan kari karayn in maanta loo sharaxo golayaasha oo ay iyaga laftooto fahmaan weeyaan”ayuu yidhi Gudoomyiyaha gudiga doorinka qaranka ciise yuusuf x.maxamed xamari
dhica kale waxa isaguna halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyey Raabi cabdi maxamed oo sheegay in hadii ay golaha baarlamaanku markale soo ciliyaan xeerkan ayna doorasho sanadkan ka qabsoomayn waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“waxaan idiin sheegayaa halkaa ay maanta taagan tahay hawshaa iyada ah waxay joogtaa maanta xeerka madaxwaynuhu dibuu ugu celiyey goleyaasha sharci dajinta waxaan filayaa inyay kadhiisanayaan oo ay ka doodayaan barito(maanta) hadii markaa ay dhacdo inay goleyaasha sharci dajintu ay soo ciliyaan amay diidaan waxaanu anagu komishan ahaan idiin cadaynaynaa inaanay suurto galay sanadkan in doorasho la qabto
waayo dhaqaale ahaan dhawrjeer ayaanu ku noqnoqonay qolyaha inaga caawiya xaga doorashooyinka mar danbena laguma noqon karayo waayo tiraba laba jeer baa lagu noqday oo ay dhaqaalaha wax iska badaleen sababa aynu inagu keenay awgood markaa hadii ay gole yaasha xeer dajintu soo celiyaan xeerkaa maanta horyaale ee uu madax waynu ku celiyey doorasho qabsoomaysaa majirto sanadkan”. TVSLE