tvsle.com
Monday, 27 August 2012
WAAD-HANATEE HOGAAMI:

Waxaynu soo gaadhnay maalin shacabka Somaliland in
badan sugayeen waa 27 August, waa maalin umdda
Somaliland taariikhwayn ugu suntan.
Waa maalin xubnihii Somaliland ugu firfircoonaa
Hargeisa dhexdeeda cod caqlabiyada ku doorteen
hogaamiyihii saxdda ahaa ee ummadu inta badan raja
naysay inay maruun arkaan ,
waa maalin musuqmaasuqii soo af-jar may, oo nin
Somaliland Oo dhan kartidiisa ka markhaati kacday
horena ugu Gabyeen iyaga Oo xamaalinta Barbari lahaa,
"wasiir lama noqdo lama walafsade sida Warancadaa
waafi loo socda wax la wanaajiyaa"
Waa maalin aaynu filayno inay ka un-kanto rajadii
Ummadu qabtay in badan,waa maalin sago-tinaysa
qabyaaladii,gaajadii iyo Jahligii isbiirsaday ee ina
dishooday.
Waa maalin qiimihii iyo sharaftii dhamaan shacbiga
Somaliland soo noolaysay,,waa maalin dimuqraadiyadii
Tisqaday ,
waa malin diyaar-garaboobeen dhamaan intii
isbadaysay inay badbaadin karaan Qaranka Somaliland
Ee Qabyalada eexda,iyo musuqmaasuqi ku habsatay 2dii
sannee u danbeeyay .
Waa aqoon-yahankii,siyaasigii Somaliland ,intii dalka
laxe-jecladda ka qabtay,hormoodna uu u yahay Mudane
Murashax Cali Warancade.
Hadaan wax-yar ka tilmaano mundane Cali Warancade
,waa xeeldheere taariikhda Somalia,iyo Somaliland aad
u yaqaan ogna Somaliland waxay gasho iyo waxay
Guto.waa muwaadin aan lahayn jinsiyad kale waligiina
dalka ka dhoofin kaalin wayna ka ciyaaray nabadayntii
beelaha Somaliland barigii rag imika talada hayaa
reeraha isku adeegsadeen,waa soo af-jarihii dagaalkii
sokeeye.
Waa diblomaasi aqoon fiican u leh hanaanka dawlad
wanaaga tek-noolajiyadda,si fududna ula jaanqaadi
karaya mandaqada aan ku nool-nahay iyo Ta Caalamkaba.
Waa halyay karti badan ,runsheega,hadalo cad
,goaanqaadasho iyo kalsooniba uu hibo Eebe u siiyay.
Qoraalkan kuma soo Koobikaro siyaasigan-murashaxan
qunyarsocodka ah laakiinse waxaan leeyahay ,waxaan
kuu haynaa taageero kal iyo laaba,taageero aan
gudhayn,
waanu kugu hambalyaynaynaa Hankaaga iyo xilka laguu
igmadayba iyo isku dayga aad rabto in aad Somaliland
ku hoogaamiso cadaalad iyo dawlad bilaa Eex ah Oo aan
dhan ka rarnayn iyo walaaha Somaliland Oo laysku
jiido oo aan la kala irdhaynin ,ood Mugdiga kaga
saarto,khibradaada waxaan ku leeyahay Warancadoow
waad hanatee hogaami,

.Forward Ever Backward Never!!!!!!! Guul..Guul…
dhamaan shacbiga Somaliland

Very proud of you Warancade.

Xidig C.Yarre Norrköping,Sweden.

Xidigow1@hotmail.com.

published on Monday, 27 August 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube