tvsle.com
Monday, 27 August 2012
khudbadii Warancadde uu maanta ka jeediyay shirweynihii Xisbiga UDUB
Halkani ka akhriso khudbadii Warancadde uu maanta ka jeediyay shirweynahii lagu caleema saaray
Written by Ali Warancadde


JAMHUURIYADDA SOMALILAND
BISMILAHI RAXMANI RAXIIM

HARGEISA; 26/8/2012


Khudbadii Musharaxa Madaxweyne
Mudane, ALI MAHAMED WARANADE
Uu ka jeediyey xafladii lagu caleemo saaray.



ARAAR GUUD

Xisbiga udub waa xisbi da'weyn oo waayo arag ah hormoodna u
ah xisbiyada iyo ururada dalka ka furmay , waana xisbigii hirgaliyey dhismaha qaranimo ee dalkan waxaana aasaasay fikradiisana lahaa Madaxweynihii hore alla ha u naxariistee Mudane, Mahamed xaaji ibrahim cigaal , waana xisbigii lagaga guuray qabiilka iyo qabyaaladda , hirgaliyeyna in dalku u guuro nidaamka axsaabta badan, waxaana ka dib hogaanka la wareegay xibiga Madaxweynaheenii hore Mudane dahir riyaale kaahin oo hirgaliyey dhamaystirayna dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay, oo runtii ahayd arrin aad iyo aad u adag hase yeeshee wuxuu ku guulaystay in uu dalkan u gudbiyo in uu noqdo dal dimuqradi ah oo ka mid dalalka la majeerto ee qaaradda africa. Aniguna maanta waxaan noqday mas'uulkii sadexaad ee la wareega xisbiga udub.

Dhinaca Horumarinta

Madaama xisbigan uu ku soo guuleystay dib u dhiska dalkan iyo hirgalinta madaxbananida somaliland, iyo dhismaha dowlad dimuqaraadi ah oo leh tiirar adag.wuxuu maantana diyaar u yahay in uu dib ugu guntado sidii uu dalkan iyo dadkiisa uu u gaadhsiin lahaa bash-bash iyo baarwaaqo, maadaama uu yahay xisbi waayo arag ah muddo dheerna xukunka dalka soo hayey.anagu haddii aanu ku guulaysano hogaanka dalka waxaanu qaadi doonaa talaabooyinka hoos ku qoran:-

DHINACA NABAD GALYADDA

Maadaama nabadgalyadu ay tahay tiirka kowaad ee nolosha iyo horumarka bani'aadamka, waxaan qaadi doonaa talaabooyinka soo socda:-

1. Waxaan dhisi doonaa ciidan qaran oo adag, oo bulshada reer somaliland u suurta galiya in ay ku noolaadaan nabad galyo iyo xasilooni taama ah, anagoo dhisi doona ciidan hanan karra amniga dalka iyo dadka gudo iyo dibadba, anagoo horumarin balaadhan ku sameyn doona dhinaca qalabka, Mooralka, dhaqaalaha, iyo dhismaha guud ee ciidan, somalilandna ka dhiga meel aan Cadow hawaysan karin hormoodna ka noqda hurumarka iyo qaranimada, iyo Madaxbanaanioda somaliland Haddii Eebe, idmo.

2, Waxaan bogooda burcad isu marin doonaa dhamaan bulshada reer somaliland, si ay ugu wada noolaadaan Nabad, kalgacal iyo farxad.

3. Waxaan si degdeg ah gacan Cadaaladeed u marin doonaa tabashada ay tabanayaan Goboladda iyo Beelaha reer Somaliland qaarkood ,si dalkani horumar dhinac kasta ah u gaadho.

4. Maadaamo Cadaaladu tahay tiirka Nabadgalyada iyo dhismaha qaranka waxaan dib u dhis ku sameyn doonaa hanaanka Cadaaladda dalka oo cabasho iyo dib u dhan weyni ka jiro

5. Waxaanu ku dhaqi doonaa bulshada reer somaliland sinaan iyo cadaalad, anagoo hirgalin doona nidaam surta galiya in loo sinaado khayraadka dalka.

ARRIMAHA SIYAASADDA:-

Waxaanu sii ambaqaadi doonaa mukhlisnimadii iyo daacadnimadii Udub ay dalkan ku hogaamin jirtay, waxaana si weyn loogu howlgali doonaa sidii looga dhabayn lahaa in waddanka aanu gaadhsiin ictiraaf, anagoo waliba dib u dhayi doona wixii xangaruufooyin ah ee soo gaadhay madaxbanaanida dalka.

2. Waxaanu u howl gali doonaa sidii bulshada caalamka aanu ugu qancin lahayn sida ay uga go'an tahay bulshada reer Somaliland in ay helaan madaxbanaanidooda iyadoo aan geedna loogu gaban.

ARRIMAHA DHAQAALAHA IYO HORUMARKA

1. Dalkani waa dal qani ah laakiin ay ku noolyihiin ummad faqiira , wuxuuna leeyahay bad aad u dheer oo khayraad badan iyo dul la mid ah , haddii ay noqoto dhinaca beeraha, xoolaha, iyo shiidaalka iyo macdanta.
Sidaa awgeed waxaanu is bari doonaa dadka iyo dalkooda iyo sidii ay nimcadaasi ula soo bixi lahaayeen

ARRIMAHA BULSHADA

Dalna ma dhismo haddii aan la dhisin bulshada dalkaa ku nool, haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Si himiladaa looga dhabeeyo waxaanu abuuri doona hanaan shaqo abuuris, si dhalinyaradda faraha badan ee ka soo baxaysa sanad walba jaamacadaha loogu heli shaqo ay ku noolaadaan , kuwa hawl gabka noqdana loo daryeelo si umadaha caalamka ku nool.

Sidoo kale udub waxay ku da'daali doontaa sidii ay kor ugu qaadi lahayd arrimaha Diinta.


Musharaxa Madaxweyne
ALI MAHAMED WARANADE
HARGEISA SOMALILAND



published on Monday, 27 August 2012
Source: qarannews
Headlines


Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube