tvsle.com
Monday, 27 August 2012
Madaxweynihii Hore Rayle Oo Rajo Ka Qaba Iney Markale BADBAADIYAAN SL



Daahir Rayaale Kaahin oo maanta ka hadlayay shirkii lagu doortay Musharixiinta...........

Hargeysa (TVSLE) - Madaxwaynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridk ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay inuu mar kale rajo ka muujiyey in i Xisbiga UDUB mar labaad ku soo noqdo talada dalka.

Daahir Rayaale Kaahin oo maanta ka hadlayay shirkii lagu doortay Musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka xisbiga UDUB, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan leeyahay xisbiga UDUB maanta waxba badan ka sheegi maayo, haddii shalay doorashadii lanagaga guulaystay maanta dadku UDUB ayay dib u raadinayaan, UDUB haddii ay dhaawacyo soo gaadheen way ka soo kabanaysaa haddii Alle yidhaahdo”

Daahir Rayaale Kaahin waxa uu intaas ku daray “Dadwaynahana waxaan leeyahay Ragaasi maanta la sharaxay inay la shaqeeyaan, UDUBna waxaan u rajaynayaa inay talada dalka marka ku soo noqoto, waayo dadka ayaa u baahan, waxaan leeyahay UDUB nin ka tagay iyo nin kale midna waxba ka sheegi maayo, waayo xisbiyadu way iska guurguurayaan, maanta waxa doorashada u taagan Sagaal, saddexda xisbi ayay ka farcameen oo meel kale dadku kamay iman, UDUB-na waxaan leeyahay jagooyinka aan la magacaabin waxaanu ku soo dhawaynaynaa oo aanu ku marti-qaadaynaa ururada wada hadaladu noo socdaan ee ku soo biiri doona xisbiga UDUB”

Daahir Rayaale Kaahin oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Waxaan idinku kula dardaarmayaa raggina musharixiinta ahi inaad si adag ula sii dardaarantaan gobolada cidii ka timid oo aad balan cad aad kala qaadataan, oo aad u diyaar-garowdaan sidii aad u dhisi lahaydeen golayaashii deegaanada sida ugu dhakhsaha badan, ILAAHAY waxaan ka rajaynayaa inay arimaheenu guul ku dhammaadaan mar kastaba. Somaliland-na halkii UDUB ka soo bilowday iyo halkii ay kaga tagtay umadda ayaa o goo waxba ka sheegi maayo”


published on Monday, 27 August 2012
Source: GN
Headlines


Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube