tvsle.com
Tuesday, 28 August 2012
Wefti UCID Ka Tirsan Oo Shir Kaga Qayb-gelaya Koonfur Afrika
Hargeysa (TVSLE)- Manta oo ay taariikhdu tahay 28/8/2012 waxa ka ambabaxay dalka wafti balaadhan oo ka tirsan xisbiga UCID oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga UCID ENG,Faysal Cali Waraabe iyo xoghayaha maaliyada ee xisbiga UCID ,FAADUMO SICIID IBRAAHIM ,iyaga oo ka qaybgalaaya shirweyne balaadhan oo uga furmaya wadanka koonfur afrika ururada (Social Democratic) ee ku midiboobay dallada Socialist International ,

Shirkan oo la qabto afartii sano ba hal mar kaasoo ay ka qaybgalayaan dhamaan hogaamiyayaasha xisbigayada Social Democratic, kuwaas oo ka kala imanaya dhamaan caalamka oo dhan.

Sidoo kale waxa lagaga hadlayaa shirkan dhaqaalaha,dimuqraadiyada ,nabada iyo xalinta khilaafaadka

Waana markii koobaad ee lagu qabto qaarada afrika,masuuliyiintan xisbiga UCID ahi kala hadli doonaan qadiyada soomaaliland wufuuda ka kala imanaysa caalamka .islamarkaana waxa uu xisbiga UCID uu xubin ka noqday dallada ay ku midoobeen badi xisbiyada caalamka ee marka lasoo gaabiyo lagu magacaabo Social International.
TVSLE
published on Tuesday, 28 August 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube