tvsle.com
Tuesday, 28 August 2012
Komishanka Doorashooyinka S/land Oo Hadlay waqtiga kama dambaysta ah
Hargeysa (TVSLE)- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyey waqtiga kama dambaysta ah ee ay qabanayaan liiska musharaxiinta u tar-tamaya doorashada golayaasha deegaanka kana hadalay shaqaalaha dawladda eek a qayb-galaya doorashada .

Af-hayeenka guddida doorashooyinka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta komishanka ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay waxayaabo ay ka mid yihiin habka ay ururada doorashada u galayaan, soo bandhigidda musharixiinta,deebaaji laga qaadayo musharxiinta u tartamaya golayaasha deegaanka ,qabashada liiska musharixiinta , iyo waliba shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta .

Af-hayeenka komishanka doorashooyinka ayaa oo ug u horayn ka hadlayshaqaalaha dawladda ee ka tar-tamaya doorashada golayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay shaqadooda waayi doonaan waxaanu yidhi : “ marka hore waxaan ka hadlayaa iscasilaadda shaqaalaha dawladda eek a sharaxan ururkada waa in ay shaqadooda ka tagaan 30 bishan aanu ku jirno ee Ogost”.

Waxa kale oo uu ka hadlay af-hayeenku waqtiga kama dambaysta ah ee loobaahan ayahay in la soo gudbiyo liiskooda waxaanu yidhi “ waqtiga kama damabysta ah ee liiska musharixiinta la qabanayo waa 14 bisha sagaalaad ee sannadkan 6-da fiidnimo waxii ka dambeeya intaas lama aqbalidoono”.

Af-hayeenka oo ka hadlaya waqtiga ololaha doorashada iyo liiska muraaqibiinta ururada waxa uu yidhi “ ololuhu waxa uu bilaabmayaa 29-ka bisha October soo gudbinta liiska muraaqabiinta oo ah dadka ururada u joogi doona goobaha doorashada waa in la soo gudbiyaa iyadana 7 bisha November waqtiga uu ololuhu dhammaanayo waa 25-ka bisha November 28-ka Novemberna waxa dhicidoona doorashada “ ayuu yidhi Af-hayeenka Komishanka doorashooyinka qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

Wax kale oo uu af-hayeenku ka hadlay shuruudaha looga baahan yahay ururada marka la eego dhanka musharixiinta waxaanu yidhi “ urur walaba waxaa looga baahan yahay in ururkastaaba liiska musharixiinta uu ku xareeyo xafiiska degmada ee komishanka , liiskuna waxa uu la dhigamyaa tirade degmada ee looga talo galay oo kala ah haddii ay dagmada tahay A + waxa y noqonaysaa 25 haddii ay A- tahayna waa 21 haddii ay B tahayna waa 17 C haddii ay tahayna waa 13 “ Ayuu yidhi Af-hayeenlka guddidu waxa kale oo uu ka ku dhiiri galiyey ururada in ay soo dhamaystirtaan liiska musharixiinta .

Waxa kaleoo uu ka hadlay shuruudaha looga baahan yahay musharaxa waxaanu yidhi “ waxaa looga baahan yahay musharaxa waxaabahan soo socda 1: waa in uu yahay muwaadin Somaliland u dhashay 2: waa in uu yahay cashuur bixiye 3: waa in aanu ku dhicin dambi ciqaabi ka dhalan karto 4: waa in leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu ka tartaramayo degmooyinka waaweyn 5: waa in si rasmi ah u dagan yahay degmadaasi 6: waa in aanay da’diisu ka yarayn 25 jir iyo waxyaabo la mid ah “.

Af-hayeenka guddida komishanka oo wax laga weydiiyey in ay ku jiraan shaqaalah xilkooda waa yaya munayaasha ka tirsan goloyaasha ee ku jira uruada –siyaasadda iyo xisbiyada , waxa uu sheegay in aanay ku jirin golayaasha dadka loobaahan yahay in ay iska casilaan shaqada dawladda balse ku waasi ay yihiin shaqaalaha dawladda u shaqeeya .

Ugu damabayntii waxa uu sheegay Af-hayeenka guddida komishanka doorashad ooyinka qaranku in ay musharixiinta u tar-tamay doorashada golayaasha deegaanku ay bixin doonaan hal million soo shilinka Somaliland ah 1’000’000 midkiiba.
TVSLE
published on Tuesday, 28 August 2012
Headlines


Barnaamuj Gaara Tariikhada Madaxweynha S-Land Axmed Maxamed Silanyo



Xafaldii 18may ee Ka dhacdey casimada S--Land Ee Hargeeysa



Muuqal Tv Xafladii 18may 2013 ee Stockholm Sweden.



Banaanbixii Bruxel Qaybtii 2aad 2013-04-11



Muuqaal TV bananbixii Ka dhacay Dalka Belgem 11-4-2013



Warkii Teleshinka Qaranka Somaliland Iyo Wariye DALMAR



Wareysi SLNTV Aqoonyahan Ing Abdi Abdilahi 13 Fep 2013



Wareysi Nov 2012 Hayaan Madaxa Waxada Migrtionka Stockholm



Halkan ka daawo Telefishanka HCTV





Halkan Gal si aad u Daawato Tv-Barnaamujyadii Hore You Tube