Hargysa,(TVSLE)- Qaar ka mid ah waxgaradka reer Sool oo la soo xidhiidhay Shebekada Qarannews ayaa si weyn u dhaliilay, eedo kululna u soo jeediyey wasiirada waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo ay sheegeen inay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Sool Prof.Faarax Axmed Cabdi eiray kuna bedeshay masuul ka tirsan maamulka waxbarashada Puntland.
Waxgaradka reer Sool waxay wasiirada waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ku dhaliileen in masuulkan ay u magacowday gudoomiyenimada waxbarashada Gobolka Sool aanay aqoonka u lahayn,xog ku filan ka hayn,dadka degaanka iyo aqoonyahanka reer Soolna waxba ka weydiin xulashadiisa balse hubsiimo la'aan iyo wada shaqeyn la'aan ka jirta xageeda u geysay,waxayna intaas ku dareen in khilaaf beryahanba ka aloosnaa maamulka waxbarashada gobolka Sool wasiiradu gacan weyn ku leedahay iyadoo marba mid xilka ka qaada, haddana mid aaney hubsan iska magacowda.
Dhinaca kale waxgaradka reer Sool waxay ku eedeeyeen wasiirada waxbarashada Samsam cabdi Adan inay maamulkii waxbarasahada gobolka Sool mulaaq iyo curyaamin kula dhex jirto,welibana ay beel sooc isagu xushay si meeshu weligeedba u qasnaato. TVSLE