Munaasibad loo qabtay oo uu deeqdaas oo uu dalka Sucuudi Arabiya , ka soo diray Ismaaciil Cabdi Bacado ee nin ganacsade, oo ka dhacday Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxda sare ee guddida Wanaag Farista iyo masuuliyiin ka socotay goboladaas oo ah wakiilada hay’adda.
Guddoomiyaha guddida Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray , ayaa sheegay in deeqdan la gaadhsiiyay xarumaha ay ku leeyihiin saddexda gobol ee Todgheer, Daad-Madheedh iyo Hawd,kuwaasoo gaadhsiin dadka loo qoondeeyay.
“ Haddii aanu nahay guddidii Wanaag Farista iyo Xumaan Reebida ee xarunta dhexe, waxa aanu mucaawinimo oo uu soo diray nin Muxsin ah oo khayr Alle ha siiyee oo reer Somaliland ah oo Jiddeh degan , oo la yidhaahdo Ismaaciil Cabdi Bacado oo gobolada Somaliland loo qaybinayay, ayaanu ka wareejinaynaa madaxda noo fadhiyada gobolada dalka oo gaadhsiin doona dadka loogu talagalay” ayuu guddoomiyaha guddida Wanaag Farista.
Waxa kale oo iyana halkaas hadalo ka jeediyay qaar ka mida masuuliyiinta guddida qaabilsan gobolada Togdheer , Daad-Madheedh iyo Hawd ,kuwaasoo u mahadceliyay madaxda sare ee guddida iyo ganascsade Ismaaciil Cabdi Bacado. TVSLE