Muqdisho,(Tvsle)- Doorashadii barlmaanka Somaliya oo ayaamahnba la sugaayay ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho Somaliya oo ay ragaadiyeen colaado iyo kala darnaa oo ay u kala danbeeyeen qab qablayal dagaal iyo argagaxiso ayaa markii u horaysay yeeshay barlamaan joogto noqon doona, inkasta oo xildhibaanada codaynaya ay ka buuxeen dad dano gaar ah iyo shaqsinimo ku tagay ay ka buuxaan oo aan loo soo xulan si xor ah ama ayna qaar badan oo meesha lagu buuxsaday ay si tuugo ah u tageen iyaga oo aan cidna matalaynin, ayaa doorashadii maanta waxa afka dhulka loogu daray siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo raacii hore ku guuldarystay in uu ku soo dhawaado ninka hada loo doortay gudoomiyaha baarlmaanka Somaliya.
Wareeggii hore oo xildhibaanka ugu badan laga filaayay in uu helo 139 ayaa shanta murashax ee xilka u tagaan waxay kala heleen Prof. Jawaari oo helay 119 cod, Prof. Cali Khaliif Galleyr oo 77-cod helay, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 23-cod, Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo helay 10-cod iyo Xasan Abshir Faarax oo helay shan cod.
Madaama oo musharaxiinta tartamayaa ayna midkoodna gaadhin tiradii ahayd 139 cod, ayaa waxa loo qoondeyay in wareeg labaad lagu kala saaro xildhibaanada tartamaaya oo uu Jawhari uu tiro badan ku hogaaminaayay xildhibaanada tartamaayay, taasi oo argagax ku abuurtay xubnihii la tartamaayay, halkaasina uu Cali Khaliif Galaydh oo hunguraynaayay in uu noqdo gudoomiyah barlamaanka ee Somaliya uu ku dhawaaqay in aanu wareega labaad aanu wax tartan ah aanu la galayin Jawhari.
Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta afka dhulka ku dhuftay laguna muquuriyay cod aqlabiyad ah taasi oo xildhibaanadii codaynaayay ay muujiyeen in aan sinaba looga raali ahayn in uu Galaydh qabto xilkaasi oo ah mid aan lagu aamini karin.
Barlamaankani la doortay ayaa noqon doona mid ku eekaada ama ka hawl gala dhulkii uu Talyaanigu gumaysan jiray ama Koonfurta Somaliya, taasi oo Jamhuuriyada Somaliland ayna wax shaqo ah ku lahayn oo Somaliland ay haysato barlamaan si xor ah lagu soo doortay oo cod shib ku yimid.
Somaliland ayaa ka madax banaanyad Somaliyada hada ay caalmku u soo dhisayaan dawlada horena ugu soo qabteen shirar kala gadisan iyo xukumaddo kala danbeeyay oo ay ugu danbaysay ta hada la badalaayo ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Somaliland ayaan wax shaqo ah iyo talo toona aan ku lahayn maamulka ay caalmku u soo ka kabayaan Somaliya, sidoo kale Somaliland waxa ay taageersantahay nabad ka aslaaxda gayiga geeska Afrika iyo sidoo kale laba dawladood oo is garab yaala oo kala ah Somaliland iyo Somaliya oo nabad iyo xasilooni ku nool sida ay ka dhawaajiyeen xukumadahii Somaliland ee kala danbeeyay iyo ta hada ka talisaaba oo ku timi codka shicibka Somaliland doorashadii madaxweynaha ee ay ku tartameen sadexda xisbi qaran ee kala ahaa UDUB,KULMIYE Iyo UCID.