Masuuliyiinta Ay Magacaabistooda Doodaha Badani Ka Dhasheen Iyo Xubnah
Masuuliyiinta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu golihiisa xukuumada xilal uga magacaabay xilliyo kala duwan ee shacbigu magacaabistooda ay su抋alaha badan iska waydiiyeen xilliyadii Digreetadoodu soo baxday, ayaa waxa ka mid ah:-
1. Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo la magacaabay horaantii bishii February 2012, oo xilligaas ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada, ayaa magacaabistiisa wasiirnimo iyo xilka shirgudoonka Baarlamaanka uu ka hayay ee uu iska casilay ay dadweynuhu su抋alo badan iska waydiiyeen labada kursi ee uu shalay iyo maanta kala fadhiyo.
2. Maareeyaha Dakedda Berbera Eng Cali Cumar (Cali Xoor-xoor) oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilkaasi oo uu hore u hayay xilligii xukuumadii Rayaale uu ka qaaday 28 July 2010, ayaa dabayaaqadii 2011-kii markii uu dib ugu magacaabay xilkaasi mar labaad ayaa magacaabista Cali Xor-xoor ay lama filaan noqotay, gaar ahaan taageerayaashii xisbiga Kulmiye, oo u arkayay in Cali Xoor-xoor aan dib loogu soo celin doonin xilkaasi, ayaa riyadoodii ku hungoobay, taas oo dadka u dhuun-daloola saaxada siyaasadu ay ku tilmaameen in Mr Xoor-xoor xukuumada iyo beesha Saaxil-ba ay u baahdeen kaalintiisii.
3. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ahaa mudane ka tirsan golaha wakiilada oo laga soo doortay xisbiga Udub, ayaa xilligii loo magacaabay wasaarada arrimaha gudaha, oo uu xilligaasi iska casilay Dr Gaboose, isla markaana aan wakhtigaasi ku jirin ragii loo hadal hayay kursigaasi daakhiliga ay lama filaan ku noqotay shacbiga Somaliland markii Madaxweyne Siilaanyo xilkaasi u magacaabay, taas oo magacaabista wasiir Duur ahayd arrintii gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan C/qaadir kaga kufriyay siyaasada xisbiga Kulmiye ee uu muddada dheer ku tasbiixsan jiray.
4. Agaasimaha guud ee wasaarada dibu dajinta Cali Cabdillaahi Biikalo, oo ahaa xubintii xisbiga Kulmiye uga wakiilka ahaa komishankii hore ee doorashooyinka ee la kala diray, isla markaana xisbiga Kulmiye ku dayriyay taageeradii xisbiga Udub uu u muujiyay xilligaasi, olalaha dooarshadii Madaxtooyada ee 26-kii June 2010-kii dalka ka dhacday, Madaxweynihii hore Daahir Rayaale uu u magaacabay wasaiiru dawlaha Maaliyada, ayaa waxay filan waa ku noqotay taageerayaashii Kulmiye markii Mr Biikalo loo magaacabay Agaasime, taas oo isaga laftiisa la sheegay in xil looga magacaabi doono xukuumada Kulmiye aanu filayn.
5. Wasiir ku xigeenka cusub ee warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Madaxweyne Siilaanyo todobaadkii hore uu u magacaabay xilkaasi, isagoo horena u ahaa afhayeenka Madaxtooyada, ayaa magacaabistiisa waxay shacbigu ka muujiyeen dareeno doodo badan dhaliyey. Kuwaas oo qaar ka mid ah shacbigu ay ku tilmaameen in Cabdillaahi Cukuse xilka loo magacaabay uu ka sareeyo xilkii afhayeenimo, halka ay qaar kalena ku tilmaameen in Cukuse doorkii siyaasadeed ee uu ku lahaa dhinaca Madaxtooyada laga fogeeyay, hase yeeshee qaar kale ayaa qaba in Cabdillaahi Cukuse laba arrimood mid uun mustaqbalkiisu noqon doono, in jago wasiir loo tababarayo iyo in Kawaankii maamuus ka xayuubinta la dul-geeyay.